Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gabilay Maxamuud Cali Saleebaan Rammaax,ayaa ka hadlay muddo kooban oo uu ahaa guddoomiyaha Gobolka Gabilay waxyaabihii u qabsoomay.
Waxaa kaloo uu ka hadlay tallaabooyin uu qaaday oouu ku soo qabtay wax uu ugu yeedhay Is-gaadhsiin sharci darro ah oo taallay degmada Wajaale oo uu ku wareejiyay taliska booliska Somaliland iyo biyaha degmooyinka Wajaale iyo Gabilay oo uu ku soo wareejiyay gacanta dawladda.
Waxaa kale oo uu sheegay in magaalada Wajaale ay ka jiraan kooxoiyo guruubyo gaar gaar isugu xidhan oo isugu jira ganacsato iyo maamulka heer degmo iyo booliska ooisku milmay isla markaana isku shaqaysta kana hor taga tallaabooyinka wax lagu wanaajinayo.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Gabilay Ramaax waxaa uu si adag u beeniyay in ay jiraan dhul uu iibiyay oo uu qaatay iyo mid uu cid gaar ah siiyay,waxaanu intaa ku daray in wuxuu ku shaqaynayay ay ahayd fulinta sharciga iyo xeerka gobolada iyo degmooyinka ee dalka,waxaanu Madaxweynaha Somaliland kulagarnaqsaday sababta uu xilka ugu waayay markii uu dabaqay sharciga dalka.
Ramaax oo guddoomiye gobol ka soo noqday lix gobol oo kala ahaa Saaxil oo ugu horreeyay gobol loo magacaabo isla markaana uu noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee xumuukaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo laakiin xilkaa waxaa ka qaaday islaMadaxweyne Siilaanyo,hadana wuxuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Siilaanyo u magacaabay badhasaabka Sanaag,Awdal,Sool iyo Togdheer.
Halka Madaxweyne Muuse uu u magacaabay Guddoomiyaha gobolka Gabilay isla markaana uu noqday masuulkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi xil u magacaabo kana qaado.
Haddaba qudbad uu ka jeediyay munaasibad uu maanta xilka ku wareejinayay oo lagu qabtay xarunta dawlada hoose ee Gabilay oo uu kaga hadlay arrimo badan oo u qabsoomay iyo caqabadaha ka hor yimi iyo garnaqsi sharci oo uu kula garnaqsaday Madaxweyne Muuse halkan ka dhegayso.
Xogsoor Media.Net
abafagaab2hotmail.com
Hargeisa Somaliland