“Kursi Madaxweyne Ka Yar Uma Socdo Madaxweynuhuna Wuu Inna Wada Xukumaa.” Cali Sundulle oo U Jawaabay Wasiirka Biyaha

0
537

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Siyaasi Cali Maxamuud Axmed Cali Sandulle,ayaa jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore.

Cali Sandulle waxaa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in Wasiir Saleebaan uu yidhaahdo kursigayga lagu socdaa.

Waxaa kaloo uu intaa raaciyay in uu u taagan yahay in uu u tartamo xilka Madaxweynaha Somaliland.

Waxaa kaloo uu  dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi,waxaanu wasiir Saleebaan u soo jeediyay in uu iska daayo oo uu ka fogaado in uu qof aan xil hayn caydiisa ka shaqeeyo loona baahan yahay in uu dalka u shaqeeyo.

Waxaanu Cali Sandulle intaa ku daray in uu ka tirsan yahay Xisbiga KULMIYE  ee uu hoggaamiyo  Madaxweynaha Somaliland isla markaana haya talada Somaliland

Haddaba warkaas oo Muuqaal ah halkan hoose ka daawo

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here