Dal Caalamka Saamayn ku Leh oo Aqoonsaday Baasaboorka Somaliland

0
576

Hargeysa (Xogsoor Media.Net):- dal ka mid ah dalalka ugu saamaynta badan caalamka isla markaana   ka mid ah dalalka Carabta,ayaa aqoonsaday  Baasaboorka Somaliland ogolaadayna in si toos ah dalkooda loogu tegi karo.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa aqoonsatay in dalkeeda lagu soo galo Saddexda Nooc ee uu ka kooban Yahay Baasaaboorka Somaliland, kuwaas oo kala ah baasaabooradda ay qaataan shacabku, Diplomasiyiinta iyo ka shaqaalaha dawladdu.

Sidaasna waxa maanta caddeeyay Eng. Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ay tani u tahay bilawga aqoonsi ay Somaliland ka hesho dunida inteeda kale.

“Waxaan  aad iyo aad u hambalyaynayaa madaxda dawladda Imaaraadka carabta oo uu ugu horreeyo sheekh Khaliifa tallaabada geesinimada ah, ee xaqqa ah ee ay qaadeen, taariikhdana waxa ay ka geli doonaan baal dahab ah.

Aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa In saddexdeenii Passport ee Diplomat, Service iyo Kii shacabkaba ay aqlabaan In lagu galo dalkaasi, waxaanay bilaw u tahay aqoonsiga  Somaliland, waxaanan u rajayaa in ay waddamo badanina ay ku dayan doonaan.

Waxaanay caruurteena iyo hablaheenu ka raysan doonaan Baasaaboor ay u doontaan garoowihii lagu bahdilayay, waxaanu insha allaah uu keenu noqon doonaa kuwa adduunka ugu qaalisan” ayuu yidhi faysal Cali waraabe Oo Bulsho U Waramayay

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliand

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here