Muqdisho(Xogsoor Media.Net):-Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,ayaa jawaab adag ka bixiyay codsi uu sheegay in uu uga yimi Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,codsigaas oo uu guddoomiye Jawaari ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in uu is casilo.
Gudoomiye Jawaari oo shir jaraa,id ku qabtay Muqdisho,ayaa intaa ku daray baaq qaylo dhaan ah oo uu u kala diray ganacsatada Soomaaliya,culimada,waxgaradka iyo beesha caalamka oo uu ka codsaday in ay badbaadiyaan Soomaaliya dawladnimadeeda oo ay ka qabtaan Madaxweyne Farmaajo oouu ku eedeeyay in uu bur burimayo dawladda u dhisan Soomaaliya.
Waxaanu ka digay dhibaatada ka iman karta shir xildhibaanada baarlamaanka ee mooshinka isaga ka dhanka ah wata loogu yeedhay in ay ka soo xaadiraan fadhi berii loogu codaynayo mooshinkaas oo uu sheegay in Madaxweynuhu soo fasaxay qabsoomiddiisa.
Guddoomiye Jawaari oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.“Xildhibaanada golaha shacabku waxay mar kastaba ka fogaanayeen fawdo iyo buuq waxaanan soo ogolaanay dhamaan waxyaabihii suurta galka ahaa ee lagaga fogaanayey qalalaase iyo khilaaf anaga oo soo dhawaynay wax kasta oo xal ahna ogolaanay taas oo ay ugu dambaysay qodobadii ay soo jeediyeen guddidii aqalka sare oo qaarkood ahaayeen xal qaar kalana ahaayeen odaytinimo iyo dhaqankii soomaalida ee wax lagu dhex dhexaadinayey dhamaan xildhibaanaduna way ogolaadeen hase yeeshee garabka kale ayaa mar walba diidayey kuwaas oo ah tiro gaaban oo xukuumadu dabada ka soo riixayso.”
Gudoomiye Jawaari oo ka hadlayya dalab uga yimi Madaxweyne Farmaajo jawaabna ka bixiyay,ayaa yidhi “Madaxweynaha oo aanu ka sugaynay inuu isugu yeedho labada dhinac wali may dhicin arintiisuna waxay dhaafi wayday inuu aniga dhawr jeer I waydiisto inaan is casilo. .Arintaas shalay galab ayaan ka jawaabay waxaanan u sheegay si qayaxan oo ah in tirada badan ee xildhibaanada golaha shacabka iyo aniga oo goluhu I doortay aanu ogolaanay dhamaan wixii soo dhawayn ah, waxaanu ogolaanay ku dhaqan dastuur, waxaan ogolaanay ku dhaqan xeer hoosaad, ku dhaqanka shuruucda dalka u yaala, dhex dhexaadin iyo wax kasta oo khilaafkaas lagu dhamayn karo anaga oo intaas ogolaanay hadana daw iguma aha in aniga lay waydiisto inaan is casilo.”
Waxaanu intaa ku daray Gudoomiye Jawaari “Waxay ku haboon tahay dadkii soo oogay oo ay ka mid tahay xukuumada oo abaabushay arintan aloosantay oo illaa hadana ku jirta iyaga ayaa ku habboon in la waydiiyo inay is casilaan maadaama oo ay ku fashilmeen arimahan iyo qalalaasaha ay abuureen, waanay fashilmeen oo waxay ku talax tageen xurmadii golaha shacabka, falal badan oo aan fiicnayn way ku kaceen, xildhibaano ayaanay handadeen, xukuumaduna waajibkeedii way gabtay, waa arin qariib ah in xukuumadii aanu u xil saaranay hawlaha inay tidhaahdo lama shaqayn karno shirgudoonka golaha shacabka, inaan u shaqeeyo ayaanay rabaan balse waxa naga dhaxaysa wada shaqayn iyo inaanu ku korjoogno hawlaha loo igmaday.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland