Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Musharraxii u tartamay jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay 13-kii November 2017-kii Prof: Axmed Cabdi Muuse Abyan, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Mustaqbalkiisa siyaasadeed, dhismaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, khilaafka ka taagan Guddiga doorashooyinka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo UCID oo isku dhinac ah iyo Xisbiga Waddani oo dhinac ah, siduu u arko kulammada Madaxweynuhu la yeesho Hoggaamiyeyaasha XIsbiyada Siyaasadda iyo qodobbo kale.
Waxa uu Prof: Abyan, arrimahaas iyo kuwo kale oo Xasaasi ahba kaga hadlay Waraysi lagula yeeshay Barnaamijka Xog-tibaax oo ka baxa Telefeshinka Somalinewstv oo uu Daaddihiye ka yahay Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal.
waxyaabaha uu ka hadlay waxaa kaloo ka mid ah saami qaybsiga gobolada Somaliland oo uu sheegay in ay dhiac ka raran tahay .
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa barnaamijkaas oo aad hore hordhiciisa uga daalacateen Xogsoor Media.Net
Caawana waxaan idiin soo gudbinaynaa isagoo dhammaystiran
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland