60 Jir Tahriibe Ahaa oo Hargeysa Lagu Soo Celiyay Kana Warramay Rafaadka Nololeed ee Liibiya

0
420

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Oday waayeel ah oo 60 jir ah una  dhashay Somaliland oo tahriibe ku ahaa dalka Liibiya kuna noolaa muddo sadex sano ah,ayaa ka mid ahaa dad tahriibeyaal ah oo laga soo celiyay dalka Liibiya isla markaana laga soo dejiyay maanta magaalada Hargeysa.

Tahriibeyaashan oo   isugu jiray dhalinyaro iyo waayeel laga soo celiyay Dalka Libya oo ay muddo dheer ku tac darraysnaayeen.

ayaa waxaa ka mid ahaa  Nin oday ah oo ay da’diisu ku dhawayd Konton sano, kaas markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ka waramay mudada uu ku sugnaa dalka Libya.

Waxa uu dhalinyarada reer Somaliland ee u hanqal taagaya wadamada shisheeye uu ku booriyay in ay dalkooda aaminaan.

“Dadka Dhoofaya waxa aan leeyahay, waar anaga ayaa soo aragnaye iska joogga dalkiina oo cammuudiina aamina, oo dalkiina


ka shaqaysta” ayuu yidhi

Mar la waydiiyay bal inta sano ee uu joogay dalka Libya waxa uu ku jawaabay “Anigu Dalka Libya waxa aan joogay muddo saddex sano ah, saddexdaas sanona anigu waxa aan dirawal oo waan shaqaysanayay, waxaanan ahay nin wax yaqaana” ayuu yidhi odaygaasi ka mid ahaa dadkiisa saaka dib loogu soo celiyay Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo laga keenay dalka Libya.

Dhinaca kale mar la waydiiyay maadaama uu ka shaqaysanayay dalka Libaya bal sababta dib loogu soo celiyay waxa uu ku jawaabay “Sheekada ah in dadka dib loo soo celinayo ayaan Maqlay, waxaanan tagay Safaarada (Safaarada Ay Soomaaliya Ku Leedahay Libya), halkaas ayaan iska diiwaan geliyay ileen nin soomaali ah baan ahay cidna ima diidi kartee, sidaas ayaan ku soo noqday

Xogsoor Media.Net

afafgaab@hotmailc.om

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here