Musharrixii Madaxweyne ku-xigeenka UCID Muxuu ka Yidhi Mustaqbalkiisa Siyaasadeed iyo Xil uu ka Qabto Xukuumadda Madaxweyne Muuse

0
597

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Musharraxii u tartamay jagada Madaxweyne ku-xigeenka  Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID doorashadii Madaxtooyada Somaliland  ee qabsoontay  13-kii November 2017-kii Prof: Axmed Cabdi Muuse Abyan, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo  ay ka  mid yihiin Mustaqbalkiisa siyaasadeed, dhismaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, khilaafka ka taagan Guddiga doorashooyinka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo UCID oo isku dhinac ah iyo Xisbiga Waddani oo dhinac ah, siduu u arko kulammada Madaxweynuhu la yeesho Hoggaamiyeyaasha XIsbiyada Siyaasadda iyo qodobbo kale.

Waxa uu Prof: Abyan, arrimahaas iyo kuwo kale oo Xasaasi ahba kaga hadlay Waraysi lagula yeeshay Barnaamijka Xog-tibaax ee ka baxa Telefeshinka Somalinewstv oo uu Daaddihiye ka yahay  Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal.

Haddaba, Hordhaca Waraysigaas oo aan weli bixin, balse markuu  boxona aad  Xogsoor Media kaga bogan doontaan ayaan idiin soo gubdinaynaa hordhaca Waraysiga uu Prof: Abyan la yeeshay Wariye Cabdifataax Ismaaciil Mursal

 

 

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafagaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here