Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirkii hore ee Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay ka baxday heshiisyo nabadeed oo hore loo gaadhay isla markaana bulshada deegaanada uu ka soo jeedo ku war galiyay in heshiisyadii nabadeed ee markii uu wasiirka ahaa ay wada gaadheen ee Xukuumaddii hore ee Siilaanyo intii uu ka midka ahaa uu ka shaqaynayay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka baxday.
Waxaa kaloo uu intaa ku daray in loo baahan yahay in dalka loo sameeyo guddi doorasho oo cusub isla markaana la bedelo gudiga hadda joogta.
Waxaa kaloo uu aad u dhaliilay qudbad sannadeedkii dastuuriga ahayd ee Madaxweynaha Somaliland ka jeediyay fadhigii labada gole.
Haddana warkaas oo dhammaystitran halkan hoose ka daawo.