War Deg-Deg ah: Xisbiga EPRDF Raysal-wasaare Muslim ah u Doortay Itoobiya iyo Ballanqaadyo uu Durba ku Dhawaaqay

0
802

Addis-ababa(Xogsoor Media.Net):- Xisbiga  haya talada dalka Itoobiya ee EPRDF,ayaa caawa doortay guddoomiyaha cusub ee xisbiga oo si toos ah u noqonaya Raysal-wasaaraha  Dawladda FederaalkaItoobiya oo bedelaya Raysa-wasaarihii hore ee iska casilay labada xil ee kala ahaa Raysal-wasaaraha dalka iyo guddoomiyaha xisbiga EPRDF.

Doorashada Guddoomiyaha xisbiga EPRDF oo ay u tartameen sadex musharax ayuu ku guulaytay Dr Abiyu Ahmed  oo helay codadkii ugu badnaa ee xubnaha xisbiga

 

Abiyu Ahmed oo ka soo jeeda qoomiyadda Oromada,ayaa markii uu doorashada ku guulaystay ballan qaaday in uu  ku socon doono siyaasadda Xisbiga EPRDF  isla markaana ka  soo dhawayn doono dawlda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu sheegay in uu si toos ah ula shaqayn doono.

Warkan oo lagu faafiyay shabakada Cakaara News ayaa u dhignaa, sidan.  , 27ka March 2018. Waxaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga EPRDF ee maalmahanba  kasocday xarunta dalka ee magaalada adhisababa oo lagaga hadlayay ajandayaal dhawr ah oo ay kamid tahay doorashada gudoomiyaha cusub ee xisbiga EPRDF oo noqonaya raisal-wasaaraha dalka uu xisbiga EPRDF kudoortay Dr. Abiyu Ahmed oo kuguulaystay 108 cod iyadoo codka guud ee goluhu uu ahaa 170 cod oo uu hal cod gubtay meesha mudane Shiferaw shigute uu helay 59 cod, Dr. Debretsiona uu helay 2 cod. Sidaasna uu codka aqlabiyada uu kuhelay Dr. Abiyu Ahmed.

Hadaba gudoomiyahan cusub ee xisbiga EPRDF oo si bilaa shuruud ah wakhti xaadirkan ku ah raisal-wasaaraha cusub ee dalka Dr. Abiyu Ahmed ayaa khudbad muhiim ah oo uu doorashadii kadib kajeediyay golaha dhexe ee xibsbiga EPRDF hortiisa wuxuu kusheegay inuu sii xoojinayo jihooyinka siyaasadeed, horumarineed, nabadgalyo, maamul suuban iyo dimuqraadiyadeed ee uyaalay xisbiga EPRDF. Wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu sigaar ah ulashaqayn doono deegaanka soomaalida itoobiya gaar ahaan gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka baarlamaanka  DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale, warbixin uu soo jeediyay xisbiga OPDO ayaa waxay kucanbaareeyeen dhibaatooyinkii  kadhacay magaalada awaday iyo galbeedka hararge ee deegaanka oromada iyagoo sheegay inay aad uga xun yihiin.

Ugu danbayna hogaaminta XDSHSI oo ay ugu horeeyaan gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka XDSHSI iyo xukuumada deegaankuba waxay goobtaas ugu hambalyeeyeen islamarkaana qoraalkan ugu hambalyaynayaan gudoomiyaha cusub ee xisbiga EPRDF loo doortay oo si bilaa shuruud ah wakhti xaadirkan u ah raisal wasaaraha cusub ee dalka.

 

Xigasho Cakaara News

Xogsoor Media.Net

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here