W/wararka(Xogsoor Media.Net):- Maamullada Gobolada Gedo Soomaaliya iyo Waqooyi Bari Kenya,ayaa kulan ay wada yeesheen isku raacay in la hakiyo derbiga ay dawladda Kenya kadhisaysay xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya oo magaalada Beled-xaawo xiisad ka dhaliyay ka dib markii dadka deegaankaasi ay muddaharaad kaga hor tageen derbiga Kenya iskaga xidhayso xuduudka ay Soomaaliya wadaagaan oo dadweynaha Beled-xaawo ay sheegeen in lagu qaatay dhul ay leedahay Soomaaliya oo ka tirsan degmada Beled-xaawo.
Waxaanay dadwynaha magaaladu maalmihii u dambeeyay ay muddaharaad ka dhigayeen ay derbiga kaga soo hor jeedaan magaalada Beled-xaawo.
Xaalada derbiga oo noqotay maalmihii u dambeeyay mid aad xaasaasi u ah isla markaana xiisad ka dhex abuurtay gobolada xuduudka wadaaga ee Gedo Soomaaliya iyo Waqooyi Bari Kenya madaxdooda,ayaa ugu dambaynn waxaa kulan wada yeeshay madaxdalabada gobol ka dibna isla qaatay in derbiga la hakiyo kulamo dambena la wada yeesho.
Kulankaas ka dib ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay madaxa amniga ee gobolka wqooyi bari Kenya Maxamuud Saalax iyo guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Muxumad.
Weriye madax banaan oo BBCda u warramay wuxuu sheegay in labada mas’uul ay sheegeen in la joojiyey dhismihii darbiga muranka dhaliyey.
Waxa kaloo ay sheegeen in kulan kale ay isugu iman doonaan si ay uga arrinsadaan talaabada xigta iyo waxa laga yeeli doono halka la marin doono darbiga.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland