Xukuumadda oo la faray in ay ciidanka la wareegay xarunta ka qaado kuna soo celiso kii hore u joogay.
Muqdisho (Xogsoor Media.Net):-Guddida xalinta khilaafka loo saaray arrinta ka taagan golaha shacabka Soomaaliya,ayaa soo saaray qodobo ay u arkeen in lagu soo afjari karo xaaladda taagan ee sababtay in golaha shacabka Soomaaliya uu muddo xidhnaado isla markaana ciidamo ay la wareegaan ka dib markii mooshin laga keenay Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Prof:Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu sababay in xildhibaanada aqalkahoose ee Soomaaliya in ay laba u kala jabaan oo ay u kalasaftaan xildhbaanomooshinkawata oo ridista Jawaari u xadhkoxidhay iyo mudaneyaal ka soo hor jeeda oo Guddoomiye Jawaari raacsan.
Waxaa kaloo gudigu ay qodobadoodaku dareen qodobo lagu xakamaynayo Xukuumadda isla markaana lagu farayo in ay faraha kala baxdo arrinta golaha shacabka isla markaana lagu faray in ay Xukuumaddu shaqadeeda ku ekaato xarunta golahana ka qaado ciidanka la wareegay ee ay keentay kuna soo celiso ciidankii hore ee xarunta joogi jiray.
Xildhibaanadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay kulamo kala duwan la qaateen dhinacyadu khilaafku ka dhaxeeya, waxaanay soo bandhigeen xalka lagaga gudbi karo khilaafka.
Xildhibaan Dr. Cilmi oo warbaahinta u akhriyey war murtiyeed ay soo saaray ayaa ugu horayn ka hadlay kulamada ay la qaateen dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo waxanu yidhi “ Guddidani waxaay bilaabeen hawshii loo igmaday inuu la kulmo gudoonka, madaxweynaha, raysal wasaaraha, xildhibaanada mooshinka keenay, beesha caalamka iyo
cid kasta oo loo arkay inay wax inagala qaban karto daminta xiisadan aloosan.
Ka dib markii gudoomiyuhu aqbalay mooshinkii laga soo gudbiyey ee buray isaga oo go’aankiisa ugu tudhaya danta qaranka, wada jirka golaha shacabka iyo dedejinta xalinta arinkani, guddidu waxay soo jeedinayaan.”
Xildhibaan Dr. Cilmi oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay qodobada ay soo bandhigeen guddidoodu waxaanu yidhi “
1.In si sharci ah oo xasiloon loogu furo golaha shacabka si uu waajibaadkiisa shaqo u gudan karo
2.In si deg deg ah loogu soo celiyo ciidamadii hore u joogay xarunta golaha lagana qaado kuwa cusub ee loo soo badalay
3.In laysla go’aamiyo goobta fadhiga lagu qabanayo iyo maalinta loo codaynayo mooshinkan si waafaqsan xeer hoosaadka baarlamaanka kaas oo dhigaya in la qabto codaynta toban cisho gudahood iyada oo laga soo bilaabayo maalintii la qabtay mooshinka.
4.In dastuurka ku meel gaadhka ah ee dalka iyo xeer hoosaadka golaha shacabka loo wada hogaansamo lana ixtiraamo qodobada qeexaya hanaanka loo maaraynayo arimaha la xidhiidha mooshinka
5.Inaan la curyaamin hawlihii ay xukuumadu u haysay dalka dibna ugu noqoto hay’adda fulintu shaqadii loo igmaday, kana digtoonaadan dayacaad loo gaysto hawlihii loo igmaday.
6.In laga fogaado adeegsiga hantida iyo ku tagri falka awooda hay’addaha qaranka lana dhawro sumcada dawlada iyo hantida umada.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland