Guddida Joogtada Ah Ee Aqalka Sare Oo Qodobo Ka Soo Saaray Mooshinka Ku Dhex Qarxay Golaha Shacabka Soomaaliya

0
417

Muqdisho(Xogsoor Media.Net):-Guddida joogtada ah ee aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa qodobo ka soosaaray khilaafka ka taagan aqalka hoose ee golaha Shacabka Soomaaliya oomaalmihii u dambeeyay xidhnaa isal markaana ay gacanta ku hayaan ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ka dib markii mooshin laga keenay guddoomiyaha golahashacabka Soomaaliya Prof: Maxamed Cismaan Jawaari uu sida foolkaanaha ugu dhex qarxay golahaas  xildhibaanaduna laba u kala jabeen

Guddidan ayaa ka waramay kulamo ay la qaateen gudoomiyaha golaha shacabka iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi, iyaga oo xusay inay gudoomiye Jawaari ku qanciyeen inuu aqbalo mooshinka laga keenay.

 

Guddida joogtada ah ee aqalka sare ayaa soo saaray qodobadan.

1.Guddidu waxay ka codsanaysaa labada dhinac ee khilaafku ka dhaxeeyo ee golaha shacabka inay joojjiyaan ololayaasha siyaasadeed iyo fariimaha ay warbaahinta isku marinayaan inta xal laga gaadhaya arimaha khilaafka.

2.Guddidu waxay soo dhawaynayaan aqbalaada Gudoomiye Jawaari uu aqalay mooshinka laga keenay ee khilaafka dhaliyey.

3.Guddidu waxa uu ugu baaqayaa shirgudoonka golaha shacabka in la qabto shirka guddida joogtada ah sida ugu dhakhsaha badan  si loo agaasimo habraaca mooshinka ka yaala gudoomiye Jawaari.

4.Guddida ka socota aqalka sare ee ka qayb qaadanaya xalinta khilaafka golaha shacabka waxa uu balan qaadayaa inuu diyaar u yahay inuu korjooge ka noqdo shirka golaha shacabka.

5.Guddidu waxa uu soo jeedinayaa in maamulka mooshinka loo maro si waafaqsan qodobka 65aad faqradiisa 4aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here