Xildhibaan Obama oo Ka Hadlay Heshiiska SadexGeesoodka ah ee Berbera iyo Kursiga Guddoomiyaha KULMIYE U Tartankiisa

0
517

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ugu jira Golaha Wakiilada Somaliland,ayaa ka hadlay siduu u arko heshiiska sadex geesoodka ah ee dekeda Berbera iyo tartan loo galokursiga Guddoomiyaha KULMIYE.

Waxaa kaloo uu faah faahin ka bixiyay muhiimaddaay Berberi u leedahay mandaqada khaliijka iyo bariga afriga iyo inta marin biyood ee ay isku xidho.

 

Waxaanu ku adkaystay in ay lamaga maarmaan tahay in golaha wakiilada laga ansixiyo heshiisa sadex geesoodka ah ee DP-WORLD Itooboya iyo Somaliland wada galeen  oo uu tilmaamay in aanu ahayn kii hore ee goluhu ansixiyay isla markaana imika loo baahan yahay in la xalaaleeyo sharcinimadiisa.

“Golaha waa in la keenaa, heshiiska waan aaminsanahey,in Golaha la keeno,wax u diidayaana majirto waxaaney ku xidhan tahey,Gudoomiyaha Golaha oo Warqad u qorra Madaxweynaha kana dalbadda in Golaha la hor keeno,anuu Xildhibibaan ahaan Waxaan qabbaa in heshiiskani, ahaa Go,aan Siyaasadeed,go,aankaas ooo lagu guuleystey”Ayuu yidhi Xildhibaan Obama.

Waxa kale oo uu ka Hadley,Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi in aanu Diyaar u aheyn,in uu u tartamo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye haseyeeshee,ay u furan tahey cid kasta oo isku deyda in ay ku tartanto jagada Gudoomiyaha Xisbiga maadaama, uu Xisbiga Kulmiye yahey Xisbi Dimuqraadi ah.

“Annuu horta u tartami maayo Gudoomiyaha Kulmiye wakhtigeedda hala gaadho imikka ayuunbay Dawlladu bilaabantey Gudoomiyihu waa Madaxweynaha,Gudoomiye Kuxigeenkuna waa Wassiirka labadduba waa labba odey oo waaweyn,annuu Xildhibaan ahaan qofka shakhsiyan isku sharaxayya ma ihi laakiin waxaan qabaa marka ay timaaddo ciddii isku sharaxeysaa wey furan tahey Xisbiguna waa Xisbi laga dhex tartami karro,waxaanan qabbaa in ay degdeg tahey in imika laga hadlo arintaasi”Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.

Haddaba warkaas oo dhammaystiran  halkan ka daawo

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here