Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Go’aankii ay soo saareen gudiga xakamaynta sicir bararka iyo xakamaynta Dollarka iyo kor u qaadista qiimaha shillinka Somaliland,ayaa sababay in uu istaago wax kala iibsigii suuqyada waaweyn ee Somaliland ka dib markii la joojiyay Adeegga ZAAD iyo E-DAHAB in Dllar la isgu diri karo wax ka yar Boqol Dollar.
Taasoo meesha ka saartay in dadku wax ku iibsadaan lacag dollar ah islamarkaana cid kasta oo wax iibsanaysaaba ay sidatay lacag Somaliland Shillin ah iyo ganacsatadii oo sheegay in ay waayeen oo sarrifleyaasha ay ka waayeen Dollar ay ka iibsadaan si ay alaabooyinka Jumlada ah ugui soo iibsadaan.
Waxaana dhacday in suuqa weyn ee Waaheen intiisa badan aan labadii maalmood ee u dambeeyay in aan waxba lagu kala iibsan iyadoo ay ganacsatadu sheegtay in ay qarka u saaran yihiin in ay gabi ahaanba xidhaan meheradahooda.
Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Waaheen ee Caasimadda Hargeysa,ayaa sheegay in gudigii xakamaynta sicir bararka iyo kor u qaadista Shillinka Somaliland in ay qaadeen jid qaldan oo aan faa’iido soo kordhinayn isla markaana sabab u noqday in suuqyadu ay xidhmaan oo aan waxba la kala iibsan.
Waxaanay soo jeediyeen in dib looga noqdo go’aamadii ay soo saareen gudigaasi oo ay sheegeen in ay ahaayeen kuwoqaaday jid qaldan oo aan waxba ka tarin sicir bararkii dalka ka jiray ee xalkiisa loo diray.
Waxaanau ganacsatadu intaa raaciyeen in tallaabooyinka ay qaadeen ay soo kordhiyeen oo keliya in Dollarkii uu noqday wax suuq madaw lagu kalaiibsado oo uu cirka isku sii shareero isla markaana sabab u noqday in suuqa weyn ee caasimadda Hargeysa ee Waaheen aan dhawr cisho waxba lagu kala iibsan
Haddaba warkaas oo muuqaal ah halkan hooe ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland