Xildhibaan ka Tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Si Adag Uga Hadashay Go’aankii DP-World Lagu Mamnuucay iyo Xiisadda ka Taagan Aqalka Hoose

0
469

“Waxaan ognahay in Soomaaliya ay qayb ka tahay heshiiska DP-WORLD hadana Somaliland ….Xildhibaan Nuura

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xildhibaan Nuura Faarax Jaamac oo ka tirsan aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa si adag uga hadashay go’aankii lagu mamnuucay heshiisyada shirkadda Dp-world ay la gashay maamulgoboleedyada Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Waxaa kaloo ay nasiib darro ku tilmaantay in aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya in ciidan la wareego taasoo ay ku eedaysay in ay ka timi dhanka Xukuumadda oo ay sheegtay in madaxda Xukuumadda ugu sarraysa in ay dano quwado kale  la kala safan yihiin oo ay ku dagaalamayaan.

Waxaa kaloo ay wax laga xumaadu ku sheegtay in madaxda Soomaaliya ay yihiin kuwo aan waxba u ogolayn Somaliland isla markaana midnimadii lixdankii la wada galay cidda dumisay illaa imikana aan ogolayni in ay noqdaan madaxda  reer Muqdisho oo aan waxba u ogolayn Somaliland .

Waxaanay sidaa ku sheegtay waraysi gaar ah oo ay khadka Taleefanka ku siisay  Xogsoor Media.Net iyadoo ku sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ugu horrayn Seneter Nuura Faarax oo ka jawaabaysay su’aallaga waydiiyay xaaladda ka taagan aqalkahoose ee baarlamaanka Soomaaliya iyo siday u aragto,ayaa tidhi..”anigu waxaan ka tirsanahay xildhinaanada aqalka sare laakiin waxaanu wada metelnaa baarlamaanka dawladda Federaalka Soomaaliya runtii waxaa nasiib darro nagu noqotay in xaruntii baarlamaanka dadka shacabka ahi ay codkooda ku doorteen in la xidho oo ciidamo la wareegeen eedahay ay labda dhinac ee iska soohorjeedaa isu jeedinayaan ama warbaahinta isu marinayaana waxay khal-khal siyaasadeed ama niyad jab ku tahay shacabka Soomaaliyeed,waana arrin fool xun in xaruntii  aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya in ay ciidamada AMISOM la wareegaan oo ay gacanta ku hayaan.”

Xildhibaan Nuura oo la waydiiyay in ay aqal sare ahaan iyagu xil iska saareen khilaafka ka aqalka  hoose oo ay waan waan ka galeen,ayaa tidhi. “haa waanu ka qalnay saaka(shalay) waxaa la isugu yimi xarunta aqalka sare waxaana loo yeedhay gudigii joogtada ahaa waxaana loo saaray guddi arrintaas anagu aqal sare ahaan doorkayaga ayaanu ka qaadanaynaa khilafkaa xallintiisa laakiin waxaa noo muuqata in ay awoodo kale kala leeyihiin oo qolo waliba ay doonayso in ay teeda difaacato oo ay wax kala riixayanaan laakiin anagu aqal sare ahaan doorkayaga waanu ka qaadanaynaa xallinta arrinaas.”

Seneter Nuura oo la waydiiyay  in khilaafka siyaasadeed ee Muqdisho ka curtay iyo aqlka hoose ee ciidanku la wareegay iyo xaaladaha taagan in ay ka bilaabmeen mooshinadii laga keenay shirkadda DP-WORLD  iyo iyadu xildhibaan ahaan siaday u aragto arrinta DP-WORLD gaar ahaan heshiiska ay  shirkadu la gashay Somaliland,ayaa yidhi.

. “ anigu heshiiskaas  ka xildhibaan aqal sare ahaan waxaan u arkaa inlagu degdegay  aqalkasare waxaa la keenay habeenimadii isla subixiina waa  la ansixiyay iyadoo aan laga hadal oo aan laga doodin oo aan wax badan la iska waydiin  waxaana  halkaa ka muuqata in lagu deg degay oo aan laga hadlin oo aan la lafo gurin oo dadkana lagu qasbayay in loo codeeyo oo ay quwado kale dabada ka riixayeen, anagu aqal sare ahaan waxaan isku daynay in aanu ka hadalno,haddaanu anahay xildhinaanada aqalka sare ee Somaliland kasoo jeeda waxaanu u aragnaa arrinta lagu laalay heshiiska DP-WORLD mid lagu xad gudbay   oo lagu deg degay  oo aan ka fiirsasho lahayn waana ta keentay khal-khalka siyaasadeed ee maanta Muqdisho ka taagan.

Xildhibaan Nuura oo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay khal-khalka siyaasadeed ee Muqdisho ka taagan in uu qayb ka yahay dagaalka dawladaha khaliijka oo ku dhex loolamaya Soomaaliya,ayaaku jawaabtay. “cadceed sacan laguma qarin karo cid kasta oo wax kala garanayaana way ogtahay shacabka Soomaaliyeedna wuu oghaya waxaa loo shaqaynayaa quwado kale oo shisheeye waxaa jira heshiisyo baarlamaanka Soomaaliy aanu jirin wuxuu ka ogyahay dadka shaqsiyaadka ah ee la shaqaysta mooyaane arrintaasina waa arrin aan la qarin karin umadana aan caad laga saari karin.”

Xildhibaan Nuura  oo  la waydiiyay sababta ay madaxda dawladda  iyo safiirada dawladaha kale ee dalka Muqdisho jooga ay ugu yeedhi waayeen ee ay wax uga waydiin waayeen ayaa ku jawaabtay. “waxaanu la yaabanahay waxa weeye markasta oo la is yidhaahdo u yeedha safiirada dalalka kale ka jooga Muaqisho u yeedha oo wax ka waydiiya arrimahaas waxaa  ku gudban oo diidan in loo yeedho shaqsiyaad siyaasiyiin ah oo ku gudban oo ay ugu horreeyaan madaxda waaxda Fulinta(Xukuumadd) oo heshiisyo la soo galay iyagu illaa imikana aan baarlamaanka hor keenin waxay ku soo heshiiyeen waxaan ognahay  in dawladda Soomaaliya ay qayb ka tahay heshiiska DP-WORLD hadana siyaasado gaar ah iyo dano kale awgood ay ugu eedaysay in ay Somaliland heshiis la gashay.

La Soco Waraysigan qaybtiisa Lbaad

 

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here