Guddoomiye Jawaaro oo Xukuumadda ku Eedeeyay in Mooshinka Isaga Laga Keenay ay Kaga Mashquushay Shaqadii Loo Igmaday

0
392

Muqdisho(Xogsoor Media.Net):– Gudoomiyaha  aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in aanay shaqadii loo igmaday umada u haynin isla markaana ay ku mashquushay mooshinka isaga laga keenay oo ay xidhan yihiin dhammaan xafiisyadii dawladda ee waaxda fulintu ku shaqaynaysay.

Waxaa kaloo  uu intaa ku daray in mudaneyaasha labada aqalna in ay ku mahsquuleen sidii ay arrintan u xallin lahaayeen oo ay ku hawlan yihiin.

Waxaa kaloo  uu intaa raaciyay in uu ogol yahay in moshinkaisaga ka dhanka ah in golaha la hor keeno.

Ugu horayn guddoomiye Jawaari oo ka hadlaya aqbalaada mooshinka laga keenay ayaa waxa uu yidhi “Arinta aan doonayo inaan cadeeyo oo aan u sheegayaa dhamaan xildhibaanada baarlamaanka, shacabka iyo xukuumada waa inuu dhamaaday khilaafkii ahaa mooshinkii laga keenay kalsooni kala noqoshada, waxaanan ogolaaday inuu mooshinkaasi jiro loona baahan yahay in lagu maamulo talaabadii haboonayd ee uu sheegayey xeer hoosaadka golaha shacabku, xeer hoosaadka oo sheegaya in mooshinkaasi toban cisho gudahood lagu geeyo golaha shacabka uguna codeeyaan soona afjaraan, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa dhamaan xildhibaanada mooshinada wata inay u hogaansamaan xeer hoosaadka, guddida joogtada ahina intay hore u fadhiistaan ay noo soo sheegaan wakhtiga la gaynayo golaha shacabka si arimahan loo soo afjaro, mana haboona in arintani sii socoto.”

Gudoomiye Jawaari ayaa ka hadlay saamaynta uu khilaafka golaha shacabku ku yeeshay hawlihii dawlada “Xukuumadii ma shaqaynayso oo waxay ku mashquuleen mooshinkan, xildhibaanadiina xalinta arintan ayey ku mashquuleen, shaqooyinkii qaranka xafiisyadii loo igmaday inay si dhakhso ahu hawl galaan danta dalka ayaa ku jirta, waxaanan codsanayaa inay wasiiradu ku noqdaan xafiisyadooda xildhibaanaduna ay sida ugu dhakhsaha badan ay u keenaan mooshinka.”

Gudoomiye Jawaari ayaa codsaday in ciidanka laga dul qaado xarunta golaha shacabka waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan codsanayaa in ciidanka la dul dhigay golaha lama taabtaanka ahaa ee xasaanada lahaa laga dul qaado oo ciidankii u tababarnaa loo soo celiyo si ay arimahani u fududaan hawlihiina u socdaan, ilaa hadana waxa uu ku jiraa gacantii laanta fulinta arintaasina maaha mid haboon, waxaana loo baahan yahay in ciidankiisii loo soo celiyo golaha oo hawshiisiina caadi u noqoto.”

Sidoo kale gudoomiye jawaari ayaa soo bandhigay fikrad uu ka aaminayo haddii ciidamada laga dul qaadi waayo xarunta golaha “Intaas wixii ka duwan waxaan u qaadanayaa in ujeedo qalafsan laga leeyahay iyo shuqul jabhadayn oo kale ah taasna looma baahna, waxaana loo baahan yahay in saraynta sharciga loo hogaansamo.”

 

 

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here