Shirkadda Dahabshiil Group oo Ka Hadashay Go’aankii Xukuumadda Bulshadana u Ballan Qaaday in Aanay Cunaqabataynayn Shaqada Sarifleyaasha’ Abaal Marino La Helayona Soo Bandhigtay

0
370

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Shirkadda Dahabshiil Group,ayaa ka hadashay go’aankii Xukuumadda Somaliland ee la dagaalanka sicir bararka iyo kor u qaadista qiimaha shillinka Somaliland.

Waxaa kaloo ay madaxda ugu sarraysa Shirkadda Dahabshiil Group ay ballan qaadeen in aanay cuna qabataynayn ganacsatada ka shaqaysta sarifka lacagaha iyo isku bedelka shillinka Somaliland iyo lacagaha qalaad oo  shaqadaa Dahabshiill Group  gabi ahaanba aan kaadhka SOMTEL ee E-dahabka leh in aanu isku sarifi doonin lacagta ku jirta.

Guddoomiyaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo masuuliyiin sar sare oo ka tursan Dahabshiil Group laamihiisa kala duwan iyo Somtel oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay ku qabteen caasimadda Somaliland ee Hargaysa,ayay kaga dhawaaqeen in ay aqbaleen  go’aankii Xukuumadda ee ahaa in aan mobilada la iskaga diri karin wax ka yar boqol Dollar.

Waxaa kaloo ay madaxda Dahabshiil macaamiishooda u caddeeyeen in qof kasta oo ay mobilkiisa adeegga E-Dahan ay ugu jirto lacag ka yar boqoldollar in ay lacagtiisa oo caddaan ah siin doonaan haddii uu doonayo in uu ku kaydsado akoonkkiisa E-Dahab ama Dahabshil-Bank in ay u oollayso oo uu ku kaydsan karo.

Waxaa kaloo Masuuliyiinta Dahabshiil ay macaamiishooda ugu bushaareeyeen in  macaamiishoodu ay heli doonaan abaalmarin kala duwan oo  markii ugu horraysay ay ku jiraan baabuur cusub oo abaal marin lagu heli doono iyo qalabyo  kale oo kala duwan.

Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan  hoose kaga bogo.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here