Dawladda Soomaaliya oo u Toostay Si ay Shaadh Kale ugu Geliso Ciidanka la Wareegay Xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho

0
515

Muqdisho(Xogsoor Media.Net):-Dawladda federaalka    Soomaaliya,ayaa ka hadashay isla markaana shaadh kale u gelisay ciidan  caawa la wareegay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Wasiirul dawlaha wasaarada amniga Xasan Macalin Xuseen iyo taliyaha ciidanka Booliska Gen Bashiir oo goor dhawayd oo caawa ah la hadlay warbaahinta,ayaa sheegay in  ciidanka ay geeyeen xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ujeedada loo geeyay in ay tahay adkaynta ammaanka golaha ka dib markii uu furmay kalfadhigii sadexaad ee Baarlamaanku.

waxaa kaloo ay intaa labdan masuulku dareen n aanay  Xarun baarlamaan oo ay xukuumaddu qabsatay ama ay la wareegtay laakiin booliska oo shaqadooda amni gudanaya in la faray oo keliya in ay aad u adkeeyaan xarunta baarlamaanka ammaankeeda.

Ugu horayn wasirul dawlaha amniga oo ka hadlay shir jaraa,id oo ay ku qabteen muqdisho ayaa soo bandhigay ujeedada ciidamada loo geeyey xarunta golaha shacabka waxaanu yidhi  “Arintaas waxba kama jiraan, baarlamaan la qabsadayna ma jiro, si loo sugo nabad galyada ayaa ciidamada booliska oo ku amaanan hawshiisa iyo wax qabadkiisa ayaa waxa amar lagu siiyey in la adkeeyo amniga xarunta uu baarlamaanku ku shiro maadaama oo kalfadhigii 3aad furmay.”

Wasiirul dawle Xasan Macalin ayaa fariin u diray shacabka waxaanu yidhi “Maanta markay saacadu ahayd 2-dii duhurnimo ayaa taliyaha ciidanka booliska waxaan ku amray inuu ciidan ku xoojiyo xarunta baarlamaanka si loo sugo amniga xildhibaanada iyo xasilintooda, ujeedaduna intaas ayey ahayd ee dhib kale ma jirto, waana shaqadayada taasi, dadweynahana waxaan leeyahay arintu waa sidaas ee yaan si khaldan loo fahmin.”

Sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Bashiir ayaa isaguna faah faahiyey ciidamada la geeyey xarunta golaha shacabka waxaanu yidhi “Siyaasada taagan ee hada socota markii la eegay waxa waajib noqotay in ciidanka boolisku talaabo qaado oo la kordhiyo ciidankii baarlamaanka joogay,ciidanka aanu keenay waa kuwo takhasus leh oo birmadka booliska ka tirsan, intii aanu is lahayn waa laga maarmi karaana waanu ka saarnay, ciidanka booliskuna waa qaar u adeega umada soomaaliya, xildhibaanaduna waa kuwii matalayey umada.”

Hadalka labadan masuul ee usoo toosay ka jawaabidda hadalkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa marag u noqonaya in Xukuumaddu awood kula wareegtay aqalkii baarlamaanka Soomaaliya oo la filayay in berri ay ka bilaabmi doonto dood adag oo  laxidhiidha mooshin laga keenay Guddoomiye Jawaari iyo mid kale oo la sheegay in hoosta laga wado oo lagu ridayay xukuumadda Raysal-wasaare Khayre

Xogsoor Media.Net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here