Ceel-Afweyn(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,ayaa gunaanadkii gogosha nabadaynta beelaha walaaha ah ee dhawaan dirirtu ku dhex martay deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel-afweyn kaga dhawaaqay nin uu sheegay in uu caddaystay in uu nabada ka soo horjeedo oo isla markaana ciidanku qabteen oo la xidhay maxkamadna la soo taagi doono.
Waxaa kaloo uu sheegayin ciidanka ammaanku amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo nabad gelyada lid ku ah meeqaamkuu doono ha lahaadee.
Waxaanu intaa raaciyay in ay jiraan liis magacyo ah oo uu hayo oo ay ku qoran yihiin shaqsiyaad uu sheegay in ay nabad gelyada ka soo horjeedaan kuwaasoo uu tilmaamay in ay is-arki doonaan oo ay wax ka qaban doonaan cid kasta oo nabad gelyada labada beelood ka soo horjeesata.
Waxaa kaloo uu farriin adag u diray dawladda Soomaaliya haddaba halkan hoose ka daawo warkaas oo dhammaystiran.
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland