Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Ehelada Iyo Shacabka Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuun Cismaan Dacas

0
357

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, ciidamada qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Kornayl Cismaan Cawad Xaashi (Cismaan Dacas) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu ahayd 09/03/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid, ka baxay qaranka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, isagoo marxuumku door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala dambeeyey, dib u dhiskii dalka iyo aas aaskii ciidamada qaranka oo uu ka mid ahaa dadkii seeska u dhigay ciidan Qaranka Somaliland, isagoo marna ahaa

taliyaha ciidanka Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here