Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Somaliland Itoobiya,ayaa kala saxeexday heshiis kama dambays ah ooku saabsan maal gelinya iyo ballaadhinta dekeda Berbera isla markaana ay ku jiraan mashaariic kale oo horumarineed oo badan oo kor u qaadaya dhaqaalaha Somalilandiyo isku xidhka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya oo ay ka mid yihiin wadada Berbera iyo Wajaale ee heshiiska lagu sheegay in deg deg dhismaheeda loo bilaabyo iyo ballaadhinta dekeda Berbera.
Heshiiskan sadex geesoodha ah ee Somaliland Itioobiya iyo Shirkadda DP-world ay kala saxeexdeen,ayaa munaasibadda lagu kala saxeexanayay waxay ku qabsoontay magaalada Dubay ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta waxaana ka qayb galay xafladda lagu kala saxeexanayay madax ka kala socotay sadexda dhnac.
Somaliland waxaa ka socday oo heshiiskau saxeexay wasiirka Arrimaha dibedda Dr Sacad Cali Shire iyadoo uu dhanka Somaliland wasiirkaku wehelinayay kulanka oo uu goob joog ka ahaa denjiraha Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Danjire Baasher Cawil. Dhanka Itoobiya waxaa uga qayb galay wasiirka gaadiidka Axmed Shide,halka Shirkadda DP-WORLD oo uga qayb galay isla markaana u saxeegay guddoomiyaha guud ee Shirkaddaas Sultan Ahmed Bin Sulayeman
Heshiiskan oo ku saabsan maal gelin ay shirkadda DP World Ku Samayn doonto dekeda Berbera
Heshiiskan ayaa sadexda dhan mid walba saamigiisa lagu caddeeyay waxaanay kala yeelan doonaan Dawladda Ethiopia ay ka qaadato 19%, Somaliland ayaa iyaduna qaadan doonta heshiiskaasi 30%, halka ugu danbayn shirkadda DP World ay ka yeelan doonto 51%.
Heshiiska ayaa sidoo kale wuxuu dhigayaa in dawladda Itoobiya ay maal gelin ku samayso horumarinta Barnaamijka Berbera Corridor.
Wasiirka arrimaha Dibada ee somaliland Sacad Cali Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Mashruucani waa mid muhiim u ah in uu wax ka qabto shaqo la’aanta iyo dhibaatooyinka soo wajahaya somaliland.
waa mashruuc soo dhaweyn leh oo ay ka faa’iidaysan doonaan wadamada gobolka guud ahaantoodba” ayuu Yidhi Sacad Cali Shire.
Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Ahmed Bin Sulayeman oo warbaahinta la hadlay heshiiska ka dib ayaa sheegay in Barnaamijka Maal Gelinta ee dekeda Berbera marka uu dhamaado ay noqon doonto mid u adeega dadka deggan Dalka Itoobiya oo aan iyagu lahayn bad, hasayeeshee 110 million ee dalkaasi ay adeegsan doonaan dekadaha Berbera iyo Dooraale.
“In ay dawlada Itoobiya heshiiskan qayb ka noqotaa waa guul hor leh oo uu qorshahani gaadhay.
horumarka iyo isku xidhnaanta dhinacyadda heshiisku waxa ay hore u sii qaadaysaa in ay wada jir u wada shaqeeyaan dadka labada wadan ee Itoobiya iyo Somaliland” ayuu yidhi Saleebaan.
Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka ee Dawladda Itoobiya Axmed Shide oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay gunaanadka heshiiskaasi waxaanu xusay in uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Dadyoowga wadamada Itoobiya iyo Somaliland “Sanado uu si xidhiidh ah u soo socday wada hadalka heshiiska dekeda Berbera waxa ay ugu danbayn dawladda Itoobiya ku guulaystay in ay somaliland iyo Dp World la saxeexato heshiiskaasi oo aanu yeelan doono 19% horumarka dekeda Berbera.
heshiisku waxa uu Dawlada Itoobiya ka caawin doonaa dhinacyadda nabad galyada iyo waliba sidii ay waxna ugala soo degi lahayd, waxna uga dhoofin lahayd Dekeda Berbera.
sidoo kale dawladda Itoobiya waxa ay ka qayb qaadan doontaa Horumarinta Dekeda Berbera iyo Waliba Horumarinta Mashruuca Berbera Corridor, kaas oo ay ka faa’iidaysan doonaan shacabka Somaliland” ayuu yidhi Wasiirku.
Dhinaca Somaliland waxa heshiiskaasi goob joog uga ahaa Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Maal gashiga, Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Wakiilka Somaliland Ujooga Imaaraadka Carabta.
Xogsoor Media.Net
Hargeysa Somaliland