Raysal-wasaaraha Soomaaliya Socdaalkiisii Imaaraadka oo Muqdisho Buuq Ka Abuuray iyo Dareenno La Xidhiidhiyay Heshiiska Dekeda Berbera

0
605

Raysal-wasaare Khayre ma xaqul-qalin buu ku lahaa heshiiska DP-world ee dekeda Berbera mise safarkiisa ayuubnaa ku beegmay

Muqdisho(Xogsoor Media.Net):-Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre,ayaa maanta ku noqday caasimadda dalkiisa ee Muqdisho ka dib markii uu soo dhammaystay socdaal maalmo kooban qaatay oo uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta,socdaalka uu ku joogay Imaaraadka oola sheegay markii hore ee uu safarka ugu baxayayba in lagu kala qaybsanaa isla markaana loo arkayay mid aanay ku wada socon isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,ayaa markii uu Raysal-wasaaruhu ku noqday Muqdishana yeeshay wajiyo kale isla markaana laga qaatay dareeno la xidhiidhiyay Raysal-wasaaraha Soomaaliya in uu Imaaraadka u tegay arrimo aan ahayn kuwa uu sheegay markii  uu Muqdisho ka degay.

Waxaanay dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ay sheegeen in Raysal-wasaaraha Soomaaliya uu Imaaraadka u tegay arrimo la xidhiidha heshiiska Dekeda Berbera oo ay wada galeen Somaliland,Itoobiya iyo shirkadda DP-World oo uu isaguna ka qayb ahaa laakiin  la isla qaatay in aan la sheegin doorka dawladda Soomaaliya ku leedahay heshiiskaas sadex geesoodka ah.

Waxaa kaloo soo baxaya warar sheegaya in socdaalka Raysal-wasaare Khayre in ay isku maandhaafeen Madaxweynaha oo ay ku kala aragti duwan yihiin dhex dhexaadnimada dawladda Soomaaliya ka qaadatay arrinta dalalka Khaliijka  iyadoo loo badinayo in Madaxweyne Farmaajo uu taageersan yahay dalka Qadar halka lagu xamanayo Raysal-wasaare Khayre in uu la socdo isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo oo uu Imaaraadka Cabartuna qayb ka yahay.

Waxaanu dareenka shaki ee soo kala dhex galay Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Farmaajo sii kordhiyay markii Khayre intii uu joogay magaalada Dubay ee Imaaraadka carabta uu ka aamusay ee aanu  warbaahinta caalamiga ah kala hadal ee aanu ka caddayn halka ay dawladda Soomaaliya ka taagan tahay heshiiska DP-WORLD la gashay Somaliland iyo Itoobiya eek u saabsan ballaadhinta iyo maalgelinta  dekeda Berbera iyo ujeedada socdaalkiisa Imaaraadkaoo horeba la isugu seegay.

Dadka kafaalooda siyaasada ayay qaarkood qabaan in socdaalka Raysa-wasaaraha ay ka wada socdeen Madaxweynaha isla markaana ay isku ogaayeen soo dhammaystirka heshiiska dekeda Berbera oo ay wada qaateen xaqul qalinkii ay ku lahaayeen.

Laakiin doodaas waxaa  ka badan kana xoog weyn dadka aaminsan in arrinta dekeda Berbera cidda keliya eewax ka og heshiiska shalayna la socotay in uu yahay Raysal-wsaare Khayre.

Waxaa kale oo shaki badan dhaliyay sida uu uga hadlay markii uu Muqdisho kadegay Raysal-wasaare Khayre oo ku tilmaamay heshiis sharci darro ah oo aanay waxba ka ogayn isla markaana aan lagala tashan,waxaana lagu dhaliilay hadalka Raysal-wasaaraha oo aan sheegin wax tallaabo ah oo ay ka qaadanayaan heshiiskaas iyo dalalka Imaaraadka  iyo Itoobiya in ay kala hadlayaan arrinta heshiiska dekeda Berbera.

Halka uu Khayre hadalkiisa ku koobay in aanau heshiiskaas waxba ka ogayn iyo in dawladda Federaalka Soomaaliya masuul ka tahay dhammaan hantida qaranka xqna u leedahay in cidkasta oo maal gashanaysa in ay soo marto dawladda Soomaaliya. Waxaanu yidhi markii uu ka hadlayay heshiiskaas “Waxaan shacabka soomaaliya u cadaynayaa inaanay dawlada federaalka ah ee soomaaliya qayb ka ahayn  oo aan lagala hadlin oo aanay lug ku  lahayn cidina aanay nagala hadlin heshiiska dekeda Berbera, sida aad ku aragteen war saxaafadeedkii ay soo saartay wasiirka dekedaha oo ku baxay amarka raysal wasaaraha,   mawqifka dawlada federaalka ah waa mawqifka ku cad war saxaafadeedkaas, macnaheedu waxa weeyaan heshiis walba oo la galayo oo masiiri ah oo ku saabsan deked, khayraad ama bad meel kasta oo ay dalka tahay waxa u igman dawlada federaalka ah ansixintiisana waxa leh baarlamaanka.”

Raysal wasaare Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Sidaas darteed waxaanu soo dhawaynaynaa shirkad kasta oo dunida joogta taas oo doonaysa inay maal gashato dalka, waayo kobcinta dhaqaalaha waa ahmiyada koowaad ee ay leedahay xukuumada aan raysal wasaaraha ka ahay iyo dawlada uu madaxda ka yahay madaxweyne Farmaajo laakiin waa in loo soo maraa dariiqa dhabta ah, kaas oo ah in loo yimaado hay’addaha dastuuriga ah ee ku salaysan dastuurka ay leedahay umada soomaaliyeed ee loo igmaday inay gali karaan heshiis noocaas ah.”

Waxaanu ku adkaystay in ay ka go’antahay in ay illaaliyaan ammaanada loo igmaday inta ay xilka hayaan“Ilaalinta midnimada, xoriyada iyo amaanada naloogu dhiibay umada soomaaliyeed waa waajibka koowaad ee na saaran, waana muhiim haddii aanu nahay madaxda qaranka inaanu ilaalino amaanada ay umadu noo dhiibtay.”

Haddaba ma Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa qayb ka ah heshiiska DP-worlad iyo Somaliland ay wada galeen oo si qarsoodi ah uga mid ah oo metelaya Soomaaliya oo  Somaliland,DP-wor;ld iyo Itoobiyaba isku ogyihiin in la qariyo oo aan caalamka loosheegin in dawladda Muqdisho door ku leedahay heshiiskaas mise shakigii Somalilandba yaallay  ee hore  u xidhiidhinayay in heshiiskaas in Soomaaliya qayb ka tahay ayaa imika Muqdisho u wareegay oo waxba kalama socdaan Madaxda dawladda Soomaaliya?

Jawaabta su’aashaasi waxay soo bixi doontaa xlliyo dambe oo aan maanta ahayn waxaana soo dedejin kara  in ay si dhaw u soo shaax baxdo khilaafka Khayre iyo Farmaajo oo xal loo waayio sababna u noqda in ay mooshino isu adeegsadanaan oo Baarlamaanka Xamar  dagaal siyaasadeed ku wada galaan.

Waxaa kaloo daboolka kaqaadi karta in ay wax ka ogyihiin iyo in kale hadba tallaabada dawladda Soomaaliya ka qaadato  Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ee ay kala xaajooto heshiiskaaas waa haddii ay dhab ka tahay Soomaaliya in aanay  heshiiskaas waxba kalasocon,laakiin haddii ay arrintu isu aamus ku dhammaato waxay jawaabta saxa ahi noqon doontaa Soomaaliya in ay qayb ka tahay heshiiskaas isla markaana Itoobiya iyo Somaliland iyo DP-WORLD ka wada socdaan in la qariyo doorka  dhammaystirkaheshiiska ee dawladda Xamar.

Haddaba waxay is waydiin kale tahay ma madaxda Somaliland,ayaa soo gashay heshiis Raysal-wasaare u fududeeyay oo la socodka dawladda Federaalka Soomaaliya hoosta kala shuraako ah mise dawladda Muqdisho Madaxdeeda ayaa xaqul qalinka kala qarsanaysa oo iyagu u kala dheereeyay ogolaanshaha heshiiskan.

Timaadada soo socota ayaynu jawaabta ka dhursigu doonaa.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.cpom

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here