Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Somaliland iyo Masar,ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo sii xojintiisa iyo arrimaha lagama maamaanka u ah iskaashiga labada dhinac.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti heer safiir ah oo ka socda dalka Masar oo uu hoggaaminayo denjiraha dalka Masar u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya, Amb. Waliid Ismaaciil oo uu wehelinaayo ku xigeenkiis Mr. Axmed Shadiid,ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo waxyaabaha ay iska kaashanaaan iyo sii xoojinta xdhiidhka labada dhinac.
waxaa kaloo uu Madaxweyne Biixi uga warramay weftiga reer Masar halka ay Somaliland marayso iyo waxyaabaha u qabsoomay mudadii ay kalasoo noqotay Madaxbannaanideeda dalkii la isku odhan jiray Soomaaliweyn.
Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan ka daawo.