“Shirkadan Waxaanu U Aragnaa Tuugo Sharciyaysan iyo Weel Loo Samaystay Hantida Ummadda Waxaan u Soo Jeedinayaa in Ay Maanta Is-casilaan.” Guddoomiye Cirro

0
491

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa si adag uga hadlay shirkad saami lay ah oo lagaga dhawaaqay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ay madax ka yihiin wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo danjiraha Somaliland u jooga Imaaraadka Carabta Danjire Baashe Cawil oo shirkadaas ku sheegay in ay tahay shirkad maalgashi oo ay Somaliland leedahay.

Guddoomiye Cirro waxaa uu u soo jeediyay masuuliyiinta ku qoran shirkaddaas in ay is casilaan oo ay ka degaan xilka ay qaranka u hayaan isagoo tilmaamay in shirkaddaasi ay tahay tuugo sharciyaysan oo hantida ummadda lagu boobayo.

Waxaanu intaa raaciyay haddii ay deg deg isu casili waayaan in  madaxweynuhu xilka ka qaado  masuuliyiintaas ku suntan shirkadda laga diiwaan galiyay dalka Imaaraadka Carabta ee  magaca Somaliland lagu suntay taasoo ah mid handidayar ee umadda lagu boobayo.

Waxaa kaloo uusi adag uga hadlay Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro xadhig uu sheegay in uu shariga dalka baalmarsan yahay oo lagu xidhay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Oodweyne oo sifosharci darro ah ugu xidhan Hargysa iyadoo lasoo  baalmariyay hay’adihii garsoorka ee  gobolka Daadmadheedh oo ay ahayd in ay kiiskooda qaadaan haddii uu xadhioodu sharci yahay.

Haddaba warka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI  Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaaho oo dhammaystiran halkan hoose ka daawo.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here