Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Ciidanka Booliska Somaliland,ayaa ka hadlay Marxuum Hargeysa lagu dilay iyo eedaysanaha dilkaas oo la soo qabtay.
Afayeenka ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay in dilku saaka ka dhacay magaalada Hargeysa abbaaro 8. iyo badhkii subaxnimo isla markaana faldambiyeedkaa ay u soo qabteen nin ku eedayan in uu dilkaas geystay oo uu Mindi u adeegsaday.
Haddaba halkan hoose ka daawo Afhayeen Faysal Xiis oo ka hadlaya Magaca Marxuumka iyo magaca eedaysanaha.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland