Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland,ayaa fartay amar shaqo oo ay ku hawl gali doonaan dhammaan hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland.
Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed oo maanta ka hadlayay kulan wasaaraddiisu la yeelatay hay’adaha ay wada shaqeeyaan,ayaa si adag uga hadlay hannaanka hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin uga hawl geli jireen gobolada dalka marka ay arrimaha beeraha ka shaqaynayaan taasoo uu ku sheegay in ay ahayd mid aanay wasaaradda wax xidhiidh ah kala yeelan jirin isla markaana shaqada ay u socdaan ay hagi jireen oo keliya shaqaalaha Soomaalida ah ee hay’addaas la shaqeeya ee la socda waxaanu taa bedelkeeda amar ku faray in dhammaan Hay’addaha beeraha kala shaqeeya wasaaraddiisu marka ay gobol dalka ka mid ah wax ka soo qabanayaan in ay toos ula xidhiidhayaan oo ay ka amar qaadanayaan isuduweyaasha gobolada ee wasaaradda horumarinta beeraha ka dibna ay tegi karaan oo keliya halka uu u qorsheeyo isuduwaha heer gobol ee ay deegaankiisa socdaalka shaqoku tagaan hay’aduhu.
Haddaba warkaasoo dhammaystiran halkan ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland