Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland,ayaa fadwo ka soo saartay Gudniinka haweenka,fatwadaas oo lagu sheegay nooca shareecada Islaamka waafaqsan ee hablaha loo gudi karo iyo noocyada gudniinka haweenka ee aan bannaanayn.
Waxaa kaloo fatwada wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland kasoo baxday lagu sheegay in gudniinka haweenka ee aan la ogolayn ciddii ku kacda ee qaababka fatwada lagu xaaraantimeeyay hablaha u gudda in ay ciqaab mari doonaan isla markaana laga qaadi doono hadba dhibaatada hablaha ay gudeen ay gaadhsiiyeen inta ay leegtahay.
Gudniinta Fatwada lagu xaaraantimeeyay ayaa ah nooca loo yaqaano gudniinka Fircooniga ah.
Haddaba halkan ka daawo warka fatwada oo dhammaystiran.