Madaxweyne Muuse oo Kulankii Ugu Horreeyay ee Wada Jir ah La Yeeshay Labada Guuddoomiye Xisbi Mucaarid

0
460

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa kulankii ugu horreeyay eewada jir ah la yeeshay labada Guddoomiye Xisbi Mucaarid Cabdiraxmaan MaxamedCabdilaahi Cirro WADDANI iyo Faysal CaliWaraabe UCID.

Kulanka  Madaxweyne Muuse iyo labada guddoomiye Xisbi mucaarid oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa kaloo  kala qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka arrimaha gudaha  iyo siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

  

Kulanka madaxda xisbiyada mucaaridka uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland,ayaa lagaga wada hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Axad ah kulan gaar ah xarunta qasriga madaxtooyada kula yeeshay Gudoomiyeyaasha labada xisbi-mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe), waxaana kulanka goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan xisbiga KULMIYE.

Kulankan oo daba socday  kulamo hore oo Madaxweynaha Somaliland gooni gooni ula yeeshay madaxda asxaabta mucaaridka.

Kulanka maanta ee  Madaxweynaha iyo madaxda labada xisbi mucaarid wada yeesheen,ayaa lagaga wada hadlay sidii meel loogaga soo wada jeedsan lahaa arrimaha nabad gelyada isla markaana looga wada shaqayn lahaa danta guud ee dalka iyo dadka. Iyo nabad gelyada dadka iyo dalka gudo iyo dibedba, in indho dheeraad ahna  loo yeesho lagana wada shaqeeyo mucaarad, xukuumad,asxaab  iyo shacbiba.

Waxyaabaha kale ee kulankan diiradda lagu saaray, ayaa waxa kamid ahaa sidii wada-jir loogaga wada-shaqayn lahaa  in aanay doorashadooyinka sanadaha soo socda dalka ka astaysani dhaafin waqtigii loo qoondeeyey, xil weynna la iskaga saari lahaa qabsoomidoodda, iyo ka wada-shaqaynta arrimaha la xidhiidha abaaraha kasoo cusboonaaday gobollo dalka kamid ahna si weyna la isula gorfeeyey.

 

Kulankan, ayaa kusoo dhammaaday jawi is af-garad, waxaana ay madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha labada xisbi qaran isla garteen in muhiimad gaar ah la siiyo danta guud ee qaranka, isla markaana meel looga soo wada jeedo

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here