Nairobi(Xogsoor Media.Net):- Dalka Kenya ayaa lagu caleemosaaray isla markaana lagu dhaariyay Madaxweyne labaad ka dib markii hoggaamiyaha mucaaridka Kenya Raila Odinga loo dhaariyay maanta in uu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee dalka Kenya
Odinga,ayaa markii la dhaarinayay Waxaa hareerihiisa ka muuqday qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, balse kuwii ugu muhiimsanaa sida Kolonzo Musyoka oo ku xigeenkiisa
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay beerta Uhuru ee Nairobi, halkaas oo loogu dhaariyay in uu yahay madaxweynaha Kenya.Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarkaasna uu hoggaamin doono Kenya.
Waxaa hareerihiisa ka muuqday qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, balse kuwii ugu muhiimsanaa sida Kolonzo Musyoka oo ku xigeenkiisa ah kamay muuqanin goobta lagu dhaarinayay
Hadal kooban oo uu jeediyay Raila dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.
Hore waxaa dalka madaxweynenimo loogu dhaariyay Uhuru Kenyatta. Xeer Illaaliyaha guud ee Kenya ayaa Raila uga digay in dhaarinta
Tallaabada mucaaridka Kenya ay qaadeen ee ay maanta ugu dhaariyeen Raila Odinga in uu yahay madaxweynaha Kenya ayaa noqotay tallaabo aan la filayn oo warbaahinta caalamku di deg deg ah faaqidaad badan uga samaysay waxaana laga cabsi qabaa in tallaabada Odinga isku caleemosaaray in dalka Kenya ay ka abuurto xaalad degenaansho la’aan ah oo qalalaaseu horseedadalkaas.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland