“Anigu Umaan Jeedin Reero Laakiin Maamulka Xukuumadda Ayaan Ku Dhaliilayay” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,ayaa hadal uu hore u yidhi ka raali geliyay cidkasta oo dhibsatay islamarkaana sheegay in hadalkiisa hore aanu reero u jeedin ama kula hadlayn laakiin uu Xukuumadda Somaliland ku dhaliilayay.
Waxaa kaloo uu Suldaanku ku dhawaaqay in uu dib u dhigay oo uu hakiyay qabsoomidda shir uu hore u muddeeyay oo beesha Garxajis uu sheegay in ay Burco ku qabsanayso.“Waxaan leeyahay shirkaas dib ayaanu u dhigaynaa mana qabanayno imika illaa wakhti dambe aanu ka iclaamino sidaas ayaan ku hakiyey shirkii.”ayuu yidhi Suldaan Maxamed oo la hadlay HCTVSuldaan Maxamed
Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlaya hadalkii hore uga soo yeedhay ayaa waxa uu yidhi “Haddii hadalkaygii colaad loo qaatay waxaan ka bixinayaa raali gelin , haddii wax xaqiiq ah ay ahaydna cidii aan dusha ka saaray raali iga ahaada ayaan leeyahay, anigu umaan jeedin reero laakiin maamulka xukuumada ayaan ku dhaliilayey, waxaanan ka codsanayaa dhamaan salaadiinta somaliland inay labada beelood ee dhexdooda dagaalku ka socdo ay ka codsaan inay dagaalka joojiyaan oo ay toos u yimadaan miiska wada hadalka oo ay la kulmaan salaadiinta Somaliland si ay arintaasi u dhamaato, Madaxweynahana waxaan leeyahay halaygu taageero shirkaas aan qaban doono aniga oo salaadiintana ka codsanaya inay I aqbalaan.”
Suldaan Maxamed SuldaanCabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan leeyahay somaliland waa muqadas maadaama aan anigu ahay suldaankii guud ka bari jooga iyo galbeed joogana aan u ahay suldaan ma odhan karo is laaya, xukuumadana hala taageero, madaxweyne Muuse-na waxaan leeyahay alle hakaa dhigo madaxweynihii jira ee jooga.”
Ugu dambayn Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay sababtii ka keentay hadalkii kululaa ee uu hore u jeediyey waxaanu yidhi “Marmarbay dadku kaa keenayaan inaad hadal kulul ku hadasho laakiin hadalka kululi dhib ma leh dadkuna waxbay ku qaataan sida aan anigu qabo, anigu waxaan qabaa dagaalkii dhacayey ee beeluhu isku hujuumayeen in hadalkaygii joojiyey, maalintii aan hadlay ilaa imika wax dambe lagama soo sheegin reerihii, laakiin dadkan gudaha ku jira ee wajiga kale u soo xidhanaya xukuumada ayaa waxan oo dhan ka dambeeya.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland