Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi,ayaa si aqoon ah uga hadlay sida keliya ee Somaliland kaga gudbikarto sicir bararka Somaliland ku habsaday iyo qiimo dhaca shilinka Somaliland oo gaadhay halkii ugu hoosaysay.
Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdi DirirCabdi oo xilligii uu hayay xilka Guddoomiyaha baanka Somaliland si weyn u xakameeyay kor u kaca qiimaha Dollarka isla markaana kor u qaaday qiimaha lacagta Somaliland,ayaa sheegay in kor u kaca qiimaha Dollarka lagaga hor tegi karo oo keliya in Baanka Somaliland awooddiisa lasoo celiyo oo Baanku yeesho awoodda iyomaamulista lacagaha kala duwan iyo sarrifka suuqyada Somaliland.
Waxaa kaloo uu sicir bararka iyo qiimo dhaca lagacta Somaliland ku saleeyay baanka Somaliland oo aan shaqadiisii haynin isla markaana aan awood lahayn.
Haddaba hadalka Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland