Boorama(Xogsoor Media.Net):- Waxaa maanta Boorama Aas qaran lagu sagootiyay Abwaan Axmed Siciid Diiriye Afgudhiye oo xalay ku geeriyooday cisbitaalka guud ee Hargeysa.Marxuum Abwaan Axmed Siciid Diiriye Afgudhiye oo kamid ahaa hal abuurada iyo abwaanada suugaanta iyo hal abuurka Somalida ku suntanaa isla markaana laga wada yaqaanay dhulalka ay Soomaalidu degto iyo guud ahaan inta Afka Soomaaliga lagaga hadlo ee bulshada qoomiyadda Soomaalidu isaga gudubtay,ayaa muddooyinkii dambe xaaladoxanuun ugu jiifay magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa.
waxaanu ALLE ha u naxariistee Marxuumku xalay ku geeriyooday cisbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa waxaana marxuumka meydkiisalooqaaday Magaalada Boorama oo aas qaran lagu sagootiyay.
Marxuum Abwaan Axmed Siciid Afgudhiye oo kamid ahaa abwaanadii iyo jilayaashii kooxdii Fanka ee la odhan jiray Waaberri,ayaa muddadii ka dambaysay burburkii dawladdii Siyaad Barre ee Somaliland ay ka go’day Soomaaliya waxaa uu ku noolaa dalalka Somaliland iyoJabuuti iyo waliba Itoobiya.
Marxuum Abwaan Afgudhiye,ayaa muddadaas suugaan badan oo riwaayado iyo heeso iyo gabayo isugu jirta ku curiyay dalalka Somaliland,Jabuuti iyo Itoobiya.
Wxaa kaloo uu Marxuumku intii uu noolaa uu tiriyay suugaan badan oogabayo u badan oo duco iyo ALLE bari isugu jirta gaar ahaan xilloiyadii nabadaynta iyo abaaraha.
Haddaba halkan hoose ka daawo Aas qaran oo lagu sagootiyay Marxuum Abwaan Axmed Siciid Diiriye Afgudhiye.