Minisota (Xosoor Media.Net):- Hoggaamiyaha kooxda la Baxday Khaatumo State Dr Cali Khaliif Galaydh,ayaan wali dhigin calankii Soomaaliya iyo kii Maamul goboleedka uu ugu magac daray Khaatumo State ee lagaga dhawaaqay shir beeleedkii beeshiisu ku qabsatay degmada Taleex xarunta gobolka Xaysimo ee Somaliland isagoo wada haddalo muddo socdayna la galay Xukuumadda Somaliland isla markaana la iskula qaatay qodobo dhawr ah oo ay Khaatumo ku qaadatay kuna qanacday Somaliland oo ay kaga noqotay wax kasta oo ka hor imanayay jiritaanka iyo gooni isu taaga Somaliland.
Waxaana ka mid ahaa heshiiska ay wada gaadheen Madaxweynaha Khaatumo iyo Xukuumadda Somaliland in la furo Dastuurka Somaliland iyo in Somaliland saami qaybsia beelaha ee xilalka qaranka la wada yeesho oo loo sinnaado isla markaana gobolada bariga Somaliland oo dib u dhac badani uu ka jiro in la soo gaadhsiiyo gobolada kale ee dalka.
Haddaba hoggaamiyaha Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh oo muddooyinkii u dambeeyay ku noolaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa isla markaana ku cel celinayay in Xukuumadda Somaliland fuliso heshiiskii ay la gashay Khaatumo State,ayaa socdaalo uu ku maray deegaanada uu ka soo jeedo waxaa uu ku sheegay in qarannimada Somaliland ay tahay mid lamataabtaan ah isagoo safar ku tegay maalmo yar ka dib markii ciidanka Qaranka Somaliland la wareegay magaalada Tukaraq oo uu ka qabsaday maamul goboleedka Puntland oo ay fadhiisin u ahayd deegaano ka tirsan gobolka Sool oo uu kulamo kula yeeshay dadka deegaanka.
Kulamadaas oo la sheegay in ay ahaayeen kuwo uu dadka deegaanka kagala hadlayay Somaliland sidii ay wax ula qabsan lahaayeen ee ay dib u dhaca deegaanadooda uga gudbi lahaayeen,ka dib ayuu hoggaamiye Dr CaliKhaliif waxaa uu socdaal ugu kicitimay dalka Maraykanka oo uu muddo ka soo maqnaa.ka dib markii uu magaalada Hargeysa kusoo noqday ee uu dibadda uga sii dhoofay,ayaa markii uu gaadhay magaalada Minnesota ee carriga Maraykanka waxaa lagu soo dhaweeyay calanka Soomaaliya iyo kii astaanta u ahaa maamul goboleedkii uu Madaxweynaha ugu cumaamadnaa ee Khaatumo State,iyadoo soo dhawaynta loo sameeyay aanay ka muuqan wax astaanta Somaliland ah,isla markaana aanay ku jirin dadka soo dhaweeyay hal qof oo sita calanka Somaliland.
Dadka soo dhaweeyay Dr Cali Khaliif ayaa sitay calanka Soomaaliya iyo kan Maraykanka.iyo ka Khaatumo State.iyadoo Cali Khaliif uu hore u sheegay in aanay Muqdisho iyo Garoowe midnaba aanay waxba u oolin ee halka dantoodu ku jirtaa ay Hargeysa tahay.
Dr Cali Khaliif ayaa intii Madaxweyne Muuse talada dalka la wareegay wuxuu dhawr goobood ka sheegay in heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo ee xukumaddii Siilaanyo u baahan yahay in la fuliyo, islamarkaana fursadda ugu weyn ee midnimada Somaliland taaggan tahay, hase ahaatee arrintaasi kama jawaabin Madaxweyne Muuse iyo xukumaddiisa toona.
Xukuumadda Somaliland ayaa Cali Khaliif marar badan heshiisyada ay wada galeen ku faantay kuna sheegtay heshiiska ay Dr Cali Khaliif iyo Khaatumo la gashay in uu yahay mid dhammaystiray Somaliland oo ay kusoo biireen dad iyo deegaano ka tirsan Somaliland oo ka maqnaa isla markaana u diyaar ah in ay qaranka Somaliland wax la qaybsadaan wixii ay tabanayeenna laga wada hadlay oo heshiis rasmi ah laga gaadhay.
Soo dhaweynta Maaraykanka ee Dr Cali Khaliif ee lagu qaabilay calanka Soomaaliya wuxuu calaamad Su’aal taagan ku yahay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbigeeda KULMIYE oo wada hadalo kala dambeeyay ka dib heshiis rasmi ah la saxeexatay Dr Cali Khaliif Galaydh isla markaana heshiis kula gashay in Dastuurka la furo.
Dr Cali Khaliif haddii uu Somalilandnimada si toos ah u qaatay oo uu ka noqday mabdi’iisii Soomaaliweynta ahaa iyo Federaalkii uu aaminsanaa maxaa looga waayay soo dhawayntiisa hal qof oo sita astaanta Somaliland haddii aanu ku talo galinse soo dhawayntiisa oo aanu qorsheheeda waxba ka ogayn muxuu ku ogolaaday in lagu soo dhaweeyo calanka Soomaaliya oo uu uga hadli waayay.
Haddaba Xukuumadda Somaliland iyo hoggaamiye Cali Khaliif oo aan wali dhigin calankii Soomaaliya maxay kala saxeexedeen ee ay ku heshiiyeen?
Su’aashaa jawaabteeda waxaa looga fadhiyaa in ay caddeeyaan Xukuumadda Somaliland iyo Dr Cali Khaliif Gallaydh.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland