Madaxweynaha Soomaaliya oo Digreeto uu Soo Saaray Kala Kulmay Mucaaridad Xooggan

0
535

Muqdisho (Xogsoor Media.Net): – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  Cabidlaahi Farmaajo,ayaa mucaaradad xoog badan  kala kulmay digreeto uu soo saaray oo uu ku mamnuucay bixinta dhulka gobolka Banaadir  waxaanu digreetadiisa ku sheegay Madaxweyne Framaajo in aanay sharci ahayn wixii dhul la bixiyay laga soo bilaabo maalintii isaga ladortay.

Digreetada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa markiba ka hor yimi odayaasha dhaqanka ee gobolka Banaadir waxaanay odayaashu ku sheegeen digreetada Madaxweyne Farmaajo mid siyaasadaysan oo meeshakasaaraysa xuquuqda caasimadda iyo gobolka Banaadir islamarkaanaMadaxweynuhu  ku wiiqayo awoodda guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit

Waxaana magaalada Muqdisho  ka soconaya kulamo kala duwan oo ay leeyihiin odayaal iyo waxgaradka ka soo jeeda beelaha ku abtirsada gobolka Banaadir, kaddib wareegtidii dhawaan ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya ee lagu joojiyay iibinta iyo bixinta dhulka danta guud.

Odayaal ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wareegtada ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya  in aanay  aheyn sida loo dhigay laakiin la doonayo in cadaadis lagu saaro islamarkaana sumcada lagaga dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir,

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saaka xidhay jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho kaddib markii uu soo baxay war ku saabsan dibadbax lagaga soo horjeedo khilaafka gobolka Banaadir iyo madaxtooyada oo la qabanqaabinayo.

Dhinaca kale, khilaafkan ayaa  salka ku haya cadaadis siyaasadeed oo guddoomiyaha kaga imanaya xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo la sheegay in uu dib u dhigay shir uu ku baaqay guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo lagaga hadli lahaa maqaamka gobolka Banaadir.

Shirka maqaamka gobolka Banaadir oo loo balansan yahay 28ka bishan ayaa loo arkaa mid daba socda nidaamka federaalka oo ay Soomaaliya qaadatay, iyadoo shirar badan oo hore uga dhacay magaalada Muqdisho guddoomiyaha gobolka Banaadir uu dhinac fadhiyay madaxda dowlad gobolleedyada.

Duqa Muqdisho ayaa ku adkeystay qabashada shirkan waxaana ku taageeray odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Muqdisho oo sheegay in la joogo  waqtigii laga wada hadli lahaa maqaamka gobolka Banaadir.

Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha iyo  Raysal wasaaraha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir yihiin rag saaxiibo ah sidaa daraadeed qasab tahay in ay wada shaqeeyaan.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo la xidhiidha  wararka ku saabsan khilaafkan la sheegay in uu soo  kala dhaxgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Laakiin digreetada uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqotay tii ugu horraysay ee uu kala kulmo mucaaridad aan yarayn oo gil gishay degmooyinka kala duwan ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaanay ku kicisay oo si adag uga hor yimi siyaasiyiin,xildhibaano iyo madaxdhaqameed ka soo jeeda dadka deegaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho isla markaana ku raacsan guddoomiyaha gobolka Banaadir shirka uu u asteeyay in uu qabanayo 28 bishan oo lagaga hadlayo meegaamka caasimadda Muqdisho.

 

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here