Dhuusa-mareeb (Xogsoor Media.Net): – Shir lagu dhamaystirayo heshiiskii Maamul goboleedka Galmudug Ehlu Sunna wal-jameeca oo dhawaan shir lagu heshiisiinayo loogu qabtay dalka Jabuuti,isla markaana heshiiskaa hore dhammaystirkiisa loogu balamay in gudaha Soomaaliya lagu qabto,ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusa-mareeb xarunta gobolkaGalgaduud.
Guddoomiyaha guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo Ahlu Sunna Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in uu furmay shirweynaha dhimeystirka heshiiska labada dhinac oo maalmihii ugu danbeeyay qaban-qaabadiisa laga waday Dhuusa-Mareeb.
Shir-weynahan ayaa waxaa ka qeyb gelaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyada oo uu shirkan ka maqan yahay Axmed Madoobe oo cudur daartay.
Sidoo kale Munaasibada furitaanka shirka waxaa ku sugan xubnaha Beesha Caalamka oo ay ugu horreeyaan Micheaking, Guddoomiyaha Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD iyo xubno kale, kuwaasoo maanta gaadhay Dhuusa-Mareeb.
Shirkan oo wajigiisii hore ka dhacay dalka Jabuuti iyo magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in si rasmi ah labada dhinac heshiis uga gaadhaan khilaaf muddo dheerba soo jiray iyadoo dhinaca kalena lagu heshiinayo awood qeybsiga maamulka oo hore go’aan looga gaadhay.
Inkastoo maamulka Galmudug iyo Ehlu Sunna dhulka maamul goboleedkaas midba qayb gacanta ku hayo isla markaana maamul gaar u ah ay ku leeyihiin deegaanada ay ka kala taliyaan ayay,beesha caalamka iyo dawladda Soomaaliya doonayaan in ay mid isku noqdaan oo ay awood qaybsi ku heshiiyaan oo isugu yimaadaan Maamulka Galmudug oo ay hal meel isugu biyo shubtaan labada maamulna la mideeyo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland