Madaxweyne Muuse iyo Mo Faarax oo Beretamay Kana Wada Hadlay Horumarinta ciyaaraha Somaliland

0
411

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ciyaartoyga  caalamiga ah ee asal ahaan u dhashay Somaliland una orda dalka Ingiriiska oo uu dhalashadiisa haysto,ayaa orod beretan ka ku wada ciyaaray caasimadda dalkaItoobiya ee Addis-ababa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa intii aanu maanta ka soo dhoofin dalka Itoobiya oo  uu socdaal shaqo ku joogay muddo laba maalmood ah waxaa uu ku booqday hoteelka uu ka deggen yahay magaalada Addis-ababa ciyaartoyga caalamiga ah ee u orda dalka Ingiriiska oo uu dhalashadiisa haysto.

Madaxweynaha iyo Maxamed Faarax ayaa kulan wada yeeshay iyadoo Madaxweynuhu uu kala hadlay sdii uu gacan uga geysan lahaa Mo Faarax sidii kor loogu qaadi lahaa ciyaaraha kala duwan ee Somaliland isla markaana uu u caawin ahaa ciyaaryahanku dhallinyarada reer Somaliland ee dalka ku sugan gacanna uga geysan lahaa sidii ciyaartoga Somaliland loogu dhisi lahaa garoomo iyo dhiiri gelinta ciyaaryahanka reer Somaliland.

Haddaba halkan hoose ka daawo warkaas oo dhammaystiran.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here