Laascaanood(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo socdaal ku maraya gobolka Sool,ayaa soo kormeeray jiidda hore ee ciidanka qaranka Somaliland ee Tukaraq oo dhawaan ciidanka qaranku kala wareegay ciidanka maamulka Puntland oo muddo fadhiisin u ahayd.
Waxaanu wasiirka iyo weftigiisu la kulmeen waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Tukaraq iyo madaxda ciidanka qaranka
Wasiir Saleebaan oo ka hadlayay ujeedada socaalkiisa kahadlayay ayaa yidhi. “Sababta aanu halkan u nimid waa in aanu xog-ogaal u noqono sida uu yahay xaalada guud ee ciidanka qaranku,ciidanka qaranka marna uma baqayo waa ciidan aan xog-ogaal u ahay wakhti badana soo wada shaqaynaynay waayo aragnimada ay leeyihiina aan garan karo haddii ay tahay in dagaalka ay hoggaamiyaan iyo in siyaasada hoggaamiyaanba.ciidanka qaranku uma socdo caasimada Putland ee Garoowe laakiin ciidanka qaranku waxa uu xaqiijinayaa xuduudka Somaliland waxaanu diyaar u yahay in uu jaar kiisa nabadgalyo kula noolaado,Sababta keentay in ciidanka qaranku yimaado Tukaraq waxa uu ka yimid deegaankan dadka deggan Tukaraq boqolkooba lixdan waa nala soo xidhiidhayeen qof kastaaba dhib ayuu sheeganayay Buulla wadar Boocame Falaydhyare Godqaboobe mid kastaaba waxa uu sheegayay in cudhaadh loo haysto,”.
Haddaba wasiirka iyo socdaalkiisa Tukaraq iyo hadaladii waayeelka deegaanka ee uu la kulmayba halkan hoose ka daawo
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland