Xisbiga UCID oo Xukuumadda Somaliland iyo Xisbigeeda KULMIYE Hal-xidhaale Kaga Dhigay Aamusnaan iyo Jawaab Marba Kay KaQaataan Hadal Suldaan

0
580

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,ayaa Xukuumadda Somaliland iyo xisbigeeda Kulmiye hal-xidhaale kaga dhigay jawaabta ay ka bixiso hdal uudhawaan Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan ka jeediyay  madal Madaxdhaqameed lagu boqrayay oo magaalda Burco ah.

Hadalka Suldaan Xasan bulshada qaybaheeda kaladuwani siyaabo kala duwan uga hadleenisla markaana sheegeen in uu ahaa hadalkaasi mid xanaf qabyaaladeed xambaarsanaa oo dadka kalaqaybinayay,ayaa Xisbiga UCID sheegay in Suldaanka hadalkaasi ka soo baxay yahay Suldaan Kulmiye iyo Xukuumadda taageersan isla markaana  xilligii doorashada hadalaas oo  kale ugu soo ololeeyay.

Waxaanu xisbiga UCID  Kulmiye iyo Xukuumadda ku riixay in looga fadhiyo in ay hadalka Suldaanka jawaab ka bixiyaan haddaanaykula soconin in bulshada hadalo xanafleh lagu kala qayb qaybiyo haddii ay ku raacsan yihiinna ay ka aamusaan.

Haddaba Xoghayaha Guud eeXisbiga UCID  Enj Axmed Xirsi Ducaaleoo arrimahaa ka hadlay halkan ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here