Laakiin wargayska Marca oo tan iyo markii ay ciyaartu soo dhamaaday warbixino ka diyaarinayay xaalada Los Blancos ayaa Zinedine Zidane barbar dhigay kalidii taliyihii ree Germany ee Hitler iyada oo sababta lagu sheegay in Zidane uu xidigaha fashilmay ee guulaha soo hoyn waayay uu u aaminsan yahay qaabkii uu Hitler u aaminsanaa ciidankiisii cirka ee loo yaqaanay ‘Luftwaffe’.
Waxaana warbixinta Marca lagu sheegay in Zidane uu si bilaa shuruud ah u aaminsan yahay ciyaartoydii uu guulaha badan ku soo gaadhay balse aan hadda ku jirin xaalada fiican waxaana macalinka ree France lagu eedeeyay in uu wali ku adkaysanayo in aanu badalin sida uu xaalada ku wajahayo inkasta oo ay kooxdiisu sii quusayso.
Real Madrid ayaa 16 dhibcood hoos uga dhacday hogaanka La Liga iyada oo waliba markii hore ay rajo galinaysay ciyaarta baaqiga u ah laakiin marka sida ay hadda u taagan tahay loo eego ee ayna Barcelona ciyaarin kulanka Real Sociedad, waxay Los Blancos 16 dhibcood ka hoosaysaa hogaamiyaasha La Liga ee Barca taas oo uu wargayska Marca tusaale ugu soo qaatay sida ay u xun tahay xaalada Madrid.
Haddii ay Barcelona guul ka soo gaadho Real Sociedad waxay 19 dhibcood ka sarayn doontaa Real Madrid, waxayna noqon doontaa markii taariikhda La Liga ugu horaysay ee kala badhka xili ciyaareedka ay Barcelona 19 dhibcood ka sarayn karto Madrid iyada oo rekoodhka ugu xumaa ee Madrid uu ahaa xili ciyaareedkii 2012/13 kii markaas oo ay kooxdii Jose Mourinho ee Madrid ay 18 dhibcood hoos uga dhacday isla Barcelona.
Real Madrid ayaa 19 kii kulan ee ugu horeeyay La Liga waxay lumisay 22 dhibcood taas oo la micno ah in ay la soo kulantay 4 guuldaro iyo 5 barbaro ah waana dhibco ka badan guud ahaan dhibcihii ay Real Madrid soo lumisay xili ciyaareedkii hore ee 2016/17 oo ay xili ciyaareedka oo dhan soo lumisay 21 dhibcood.
Sida lagu xusay warbixinta Marca, ayaa lagu sheegay in 22 dhibcood oo ay Real Madrid ku lumisay 19 kulan oo xili ciyaareedkan ahi ay ka badan tahay 21 kii dhibcood ee ay Real Madrid xili ciyaareedkii hore ku lumsay 38 kii kulan waxaana lagu sheegay in Zidane uu u baahan yahay talaabo deg deg ah oo uu wax ku badalayo.
Haddii ay Real Madrid guulaysato kulan kasta oo La Liga uga hadhay xili ciyaareedkan ma awoodi donto in ay gaadho 93 kii dhibcood ee ay xili ciyaareedkii hore ugu soo guulaysatay koobka La Liga, waxayna hadda Madrid u muuqataa mid kaalinta kowaad ee La Liga uga dhaw kaalinta ugu hoosaysa ee La Liga.
Wargayska Marca ayaa markale ku celiyay sida aanu Zidane u qirin saamaynta xun ee ay kooxdiisa ku yeesheen bixitaankii Alvaro Morata, James Rodriguez iyo Pepe iyo waliba sababta ayna Madrid suuqa ugu galin in ay iska soo xoojiso dhibaatada haysata.
Real Madrid ayaa ku soo jirtay xaalad aan goolka laga celin karin tan iyo xili ciyaareedkii 2006/2007 kii markaas oo ay soo awooday in laba kulan oo xidhiidh ah ayna bilaa guul ku ahaan Bernabeu balse taasi waxay hadda noqotay mid taariikh ah oo la soo dhaafay.
Sidoo kale Real Madrid ayay laba guuldaro oo garoonkeeda Bernabeu kaga soo gaadhay horyaalka la liga ugu danbasyay xili ciyaareedkii 2008/09 markaas oo ay laba guuldaro oo xidhidh ah kagala kulantay Barcelona iyo Real Mallorca balse markale Barcelona iyo Villarreal ayaa taas oo celiyay.
Dhinaca kale wargayska Marca ayaa tusaale u soo qaatay sida ay kooxda hadda uu Zidane hogaaminayaa uga liidato kooxdii Rafael Benitez ee xili ciyaareedkii 2015/16 markaas oo ay Los Blancos qaybtii hore ee xili ciyaareedka ka heshay 37 dhibcood halka ay hadda ka haysato 32 dhibcood.
Waxaana warbixinta lagu sii xusay in ayna tani la micno ahayn in shaqada Zidane ay halis ku jirto balse waxaa lagu sheegay in tababaryaala ka xog fiicnaa oo ka dhibcod iyo guuloo sareeyay shaqada Madrid looga caydhiyay xaalada ay ku jireen.
Waxaana warbixinta Marca lagu soo xidhay in waxa ugu walwalka badani uu yahay in Real Madrid ay ogolaanayso in kooxuhu ay taariikh ku samaystaan iyada oo la soo gaaqaday sida ay markii ugu horaysay Villarreal kulan La liga ah guul ugu gaadhay Estadio Santiago Bernabeu halka Real Betis ay 19 sano kadib guul ku gaadhay Bernabeu.
Waxaana la sii raaciyay qaabkii kooxaha heerka hoose ee Fuenlabrada iyo Numancia ay barbaro ugu galeen Bernabeu iyo guuldaradii taariikhiga ahayd ee Real Madrid ka soo gaadhay kooxda FC Girona oo markii ugu horaysay ka ciyaaraysa