Madaxweynaha Somaaliland oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

0
356

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa magacaabay sadex Agaasime Guud oo wasaaradeed iyo Agaasimaha Maamulka Lagcagta Komishanka xakamaynta AIDS-KA.

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo afarta masuul  oo mid ka mid ahi ay tahay haweenay waxaa uu u dhignaa sidan

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018,uu ku magacaabay Afar Agaasime.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);

 

Markaan Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

 

 

Waxaan Go’aamiyey:

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

 

Tir

Magaca

Xilka

1. Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur Agaasimaha

Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

2. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
3. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga
4. Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AID

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

ShareThis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here