Burco(Xogsoor Media.Net):- Suldaanka Guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan,ayaa madal Madax dhaqameed,culimo iyo codkarba ay ku sugnaayeen ka jeediyay hdal uu ku kala qaybinayo bulsahda gobolka Togdheer isla markaana uu ku soo kala dhawaysanayo guud ahaan dadka gobolka dega.
Suldaanka oo ka qayb galay caleemo saarka Madaxdhaqameed lagu boqrayay magaalada Burco oo ay ku sugnaayeen madaxdhaqameed badan oo ka soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa ku tiraabay hadalo uu ku kala qaybinayo dadka deegaanka isla markaana uu ku so kala dhawaystay.
Waxaanu sheegay in beesha bariga Burco oo ay tahay beesha keliya ee isagoo aan waligii habeen socon uu u soo guura galay isla markaana uu dhallinyaradeeda iyo waayeelkeeda iyo haweenkeedaba uu si gaar ah u salaamayo oo ay wax u gooniya labda beelood ay wadaagaan oo ay ka dhexeeyaan.
hadalka Suldaanka ee markiiba dareenka kiciyay ee madax iyo mijo dadkii madasha joogay ay ka dideen waxaa ka mid ahaa “Maalin Dhawayd Ayaa Waxa Dhacay Nin Odaya Ayuun Baan Abti ku Idhaa, Maalintii Danbe Ayuu Igu Yidhi Suldaan Xasanoow Dee Nin Gunbuurana Waan Ahay Inan Reer Daahirina Way Idhashay Xagan Aad Abtiga Iiga Noqotay Manigaa Abti Kuu Ah, Markaasi Ayaan ku Idhi Dee Mayee Inan Jeegaanta ah Ayaa ku Dhashay Idinkuna Inanta Jibriil Abokor Abtibaad Utihiine Ogaada” ,Suldaan Xasan.
hadalkaas oo ah mid uu Suldaanku horeba ugu soo olaleeyay mudadii lagu gudo jiray ololihii doorashada Madaxtooyaada laakiin xilligan oo laga soo gudbay isla markaana ololihii iyo doorashadiiba ay dhammaatay Suldaanka loogama fadhiyin in uu bulshada reer Somaliland kala qayn qaybiyo oo uu hadal xanaf leh oo dadka kala fogaynaya fagaare lagu boqrayo madaxdhaqameed reer Somaliland ah in uu si faan ku jiro ugu qudbadeeyo.
Haddaba halkan ka daawo hadalka qabyaaladda iyo kala qaybinta bulsahda reer Somaliland ah ee xanafta leh ee uu Suldaanku halkaa ka jeediyay.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi,ayaa mamnuucay in hadal qabyaaladaysan in warbaahinta la isu mariyo oo la isu adeegsado taasoo Suldaankii ugu horreeyay ee adeegsadayna uu noqday Suldaanka Madaxweynaha haddaba hadalka Suldaanka oo aan ahayn hadal Suldaan ah mid lagu eegayo in Madaxweyne Muuse Biixi uu kaga dhabeeyo go’aankii uu kaga digayay in hadalo qabyaaladaysan lagaga hadlo warbaahinta iyo in uu hadalka Suldaan Xasan noqdo kii ugu horreeyay ee fasaxayay in la soo nooleeyo qabyaaladii lagu ololaynayay xilligii tartanka doorashada Madaxtooyada.