Doha(Xogsoormedia.Net):- Dawladda la iska bahaystay ee dalka Qadar,ayaa cabasho ka dhan ah dawladda Imaaraadka Carabta u gudbisay Qaramada Midoobay,Qadar,ayaa ku eedaysay Imaaraadka Carabta inay ku xadgudubtay qarannimada iyo sharafta dalka Qadar taasoo ay sheegtay in aanay u dul qaadan doonin oo ay kaga jawaabi doonto wax kasta oo ay karaamadeeda ku ilaashanayso.
Sida uu baahiyay Telefishinka Al- Jazeera ee xaruntiisu tahay Doxa, Wakiilka joogtada ee Qatar u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa cabashada u gudbiyay Golaha Ammaanka, isagoo sheegay in diyaarad dagaal oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku soo xadgudubtay Hawada Qatar.
Cabashadan ayaa waxaa gudbiyay Wakiilka joogtada Qatar u qaabilsan Qaramada Midoobey Alya Ahmed Al Thani, waxaanu u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres.
Qadar,ayaa eedaysay Imaaraadka inay si cad ugu soo xadgudbeen dowladda Qatar, xuduudaheeda iyo amniga dhulkeeda, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.
Farriinta Cabashada ee Qatar gudbisay ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay qaadi doonto wax walba oo lagama maarmaan ah, si ay u difaacdo hawadeeda, xuduudaheeda iyo amniga Qaranka.
Wakaalada Wararka Qatar ee loo yaqaano QNA ayaa sheegtay in xadgudubka lagu sameeyay hawadooda ay dhacday 21-kii bishii December ee sanadkii hore 2017.
Horraantii bishii Juun ee sanadkii 2017,ayay dalal uu hoggaamiyao Sacuudigu oo ay ka mid yihiin , Imaaraadka Carabta, Masar iyo Bahrain,ayaa xidhiidhiidhka u jaray dalka Qadar isla markaana saaray cunaqabatayn ka dib markii ay ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada taasoo ay dawladda Qadar beenisay eedaha loo jeediyay isla markaana ay diiday in ay fuliso 11 qodob oo dawladaha iska bahaystay ay shuruud kaga dhigeen.
Dalka Kuwyad oo arrinta dalalka carabta ka dhex qarxay ka odayaynaysay ayaan ku kuulaysan in ay khilaafka dalalkaas soo afjarto waxaana wali socda xidhiidho Kuwayd ka dhex waddo Qadar iyo isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo.
Inkastoo ay xiisad wayni ka dhex taagan tahay dalalka isbahaysiga iyo Qadar hadana waxay arrintoodu hoos u yara dhacday markii Madaxweynaha Maraykanku uu ku dhawaaqay in magaalada Qudus ee dhulka reer Falastiin in uu u aqoonsaday caasimadda dalka Sraa’iil isla markaana uu safaaradiisa u rarayo Qudus,taasoo dalalka carabtu aad uga soo horjeesteen isla markaana suuragal ka dhigtay in iyadoo khilaafka isbahaysiga iyo Qadar taagan yahay in dawladaha carabtu ay kulamo is dabajoog ah ka yeeshaan hadalka Madaxweyne Trum.
Iyadoo ay wali taagan tahay go’doominta dalka Qadar ay saareen dawladaha isbahaysiga ah ee uu Sucuudigu hoggaaminayo oo aan wali wax is faham ah aan arrintooda laga gaadhin,ayay ku soo beegan tay cabasahda ay Qadar u gudbisay Xoghayaha Qaramada Midoobay.
Taasoo laga war sugayo jawaabta qaramada midoobay ay kasoo saarto cabashada Qadar.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Xogsoormedia24@gmail.com