Guddoomiyaha Gudiga Doorashada Soomaaliya oo La Xidhay iyo Ehlu Sunna oo ka Hadashay

0
427

Jimce(XogsoorMedia.Net):– Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka madaxa bannaan ee Soomaaliya  Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yarey) iyo xubno gudiga doorashooyinka ma tirsan oo la socday ayaa la sheegay in lagu xidhay Degmada Dhuusa-mareeb  oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay maamulaan  gacanta ay ku hayaan Ehlu Sunna waljameeca.

Xadhiga Guddoomiye Xaliimo yaray ee idaacadda VOA ay wax ka waydiisay masuuliyiin ka tirsan Ehlu Sunna,ayaa sheegay in aanay xidhin guddoomiyaha iyo dadka la socday,waxaanay intaa ku dareen in ay baadhaan oo keliya gaadiidka magaalda soo gelaya iyo kuwa ka baxaya tallaabadaas oo ay ku sheegeen in ay tahay mid loo qaaday dhanka ammaanka.

Wararka kale ee laga helayo degmada Dhuusa mareeb,ayaa sheegaya in ay wali xidhan tahay guddoomiyaha gudiga  madaxa bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa kaloo ay wararku intaa ku darayaan in ay xidhan yihiin xubno kale oo ka tirsan gudiga ay guddoomiyaha u tahay oo la socday isla markaana ciidamada Ehlu Sunna ay hubkii kala wareegeen illaaladii guddoomiyaha la socotay oo iyagana ay xidheen.

Ma jiro wax war ah oo illaa hadda ay ka soo saareen gudiga doorashooyinka madaxa bannaan iyo dawladda Federaalka Soomaaliya xadhiga Guddoomiye Xaliimo Yarey iyo xubnaha la socday beeninta Ehlu sunna wax aan ahayna illaa imika lagama maqal oo war ah oo ka soo baxa masuuliyinta dhinacyda ay qusayso laakiin warar madax bannaan ayaa xaqiijiyay in ay wali iyada iyo xubnohii la socdayba ay xidhan yihiin.

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Ofiec

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here