Soomaaliya (Xogsoor Media.Net):- ciidamada dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku dagaalamay gudaha dalka Soomaaliya meel aan ka fogayn soohdinta labada dal ay wadaagaan ka dib markii ciidamda Kenya ay kasoo gudbeen xuduudka isla markaana weerar ku soo qaadeen xero ciidan oo ay ku sugan yihiin ciidanka dalka Soomaaliya,sida ay sheegeen saraakiil millatari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya ee dagaalka la galay millatariga Kenya.
saraakiisha millatari ee Soomaaliya ee deegaankaas ku sugan ayaa intaa ku daray in ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee Kenya oo Afka soo duubtay in ay kasoo gudbeen soohdinta labda dal deegaanka degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo isla markaana ay soo weerareen xero ciidan oo Soomaaliya ciidankeedu ay ku sugnaayeen.
Saraakiisha u hadashay ciidanka Soomaaliya,ayaa intaa ku daray in ciidanka Kenya ee soo weeraray in ay isu soo ekaysiiyeen kooxda Al-Shabaab isla markaana ay siteen calan u eg ka Al-Shabaab afkana ay soo duubteen.
Waxaanay gudaha usoo galeen degmada Ceelwaaq halkaas oo ay dagaal isku haleeleen ciidanka Soomaaliya ee degmadaas ku sugan.
Wararka saraakiisha Millatari ee Soomaaliya ay sheegeen,ayaa intaa raaciyay in dhanka Soomaaliya uu dagaalkaas kaga geeriyooday sarkaal sare oo ciidanka dagaalka la galay Kenya ka tirsnaa waxaanay intaa ku dareen in dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka deegaankaasi uu ka trsan yahay oo ay xidhiidh la sameeyeen in aanay wax jawaab ah midnaba ka helin.
Dhinaca kale dawladaha Muqdisho iyo Nayroobi,ayaa midna ka hadal dagaalka la saraakiisha ciidan ay sheegeen in uu labada dal ka dhex qarxay.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland