Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Madaxweynihii hore ee jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Marwadiisa Aamina Sheekh Maxamuud Jirde Aamina-weris,ayaa maanta dhex lugeeyey suuqyada magaalada Hargeysa.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo iyo marwadiisa oo ay la socdaan xubno ciidan ah ayaa maanta socod lug ah ku soo maray waddooyinka muhiimka ah ee waawayn.
Waxaana la arkayey isaga oo si caadi ah u dhex lugaynaya bulshada caasimada waddooyinkeeda waawayn iyadoo ay weheliso marwadiisa iyo dhawr askari oo la lugaynayay.
Axmed Siilaanyo oo wakhtigii uu wareejiyey xilka ugu sareeya qaranka Somaliland ee madaxweynenimo ay ka soo wareegtay muddo ka yar hal bil ayaa si la mid ah bulshada caasimada waxa uu lug ku soo maray meelo kala duwan oo ku yaala caasimada Hargeysa.
Dadkii ka warhelay socodka lugta ah ee madaxweynihii hore ee Somaliland ku soo marayey qaar ka mid ah wadDooyinka caasimada ayaa dareeno kala duwan ka bixiyey.
Madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa tan iyo wakhtigii uu wareejiyey xilka madaxweynenimo waxa uu ku nool yahay gurigiisa magaalada Hargeysa,isaga oo aan dhinacna uga bixin dalka.
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland