Golaha Guurtida Somaliland oo ka Hadlay Dagaalka Puntland iyo Somaliland Go’aamona ka soo Saaray

0
452

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Golaha Guurtida Somaliland oo isugu ymi fadhi aan caadi ahayn,ayaa kaga hadlay dagaalka dhex maray Somalland iyo Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Guddoomiyaha Golaha guurtida oo shirka aan caadiga ahayn ee guurtidu yeelatay ka hadlay ayaa sheegay in aanay Somaliland diyaar u ahayn dagaal ay dalalka deriska la gasho,waxaanu intaa ku daray in dagaalka dorraad ka dhacay Tukaraq in uu yahay mid Somaliland lagu qasbay oo lagu soo duulay isla markaana ay colaadda iyo dagaalka hurinayaan maamul goboleedka Puntland iyo dawladda Soomaaliya.

Waxaanu intaa ku daray in Somaliland ay waajib ku tahay in ay xuduudka dalka wada gaadho.

Haddaba halkan hoose ka daawo warkaas oo dhammaystiran

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here