USA (Xogsoor Media.Net):- Su’aal ayaa ka taagan caafimaadka dhanka Maskaxda ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka dib markii uu soo baxay buugga cusub ee laga qoray Trump oo hadal halayn hore oo dadka reer Maraykan ee dhaliila siyaasadda Trump ay hore ugu sheegi jireen in aanu caafimaadkiisu taam ahayn.
Dooddan waxa ay socotay xitaa ka hor intii aanu xafiiska la wareegin, balse hadda waxa ay gaadhay halkii ugu saraysay, iyada oo la hadal hayo in da’diisa awgeed ay hoos usii dhacayso awoodda maskaxdiisu.
Buugga uu qoray Michael Wolff ayaa lagu sheegay in Trump uu muujinayo astaamo kasii daraya oo ku saabsan in aanu maskax ahaan fayoobayn.
Buugaag kale oo badan oo laga qoray caafimaadka maskaxda Trump waxaa ka mid ah The Dangerous Case of Donald Trump oo uu qoray Bandy X Lee; Twilight of American Sanity oo uu qoray Allen Frances iyo Fantasyland oo uu qoray Kurt Andersen.
Dr Lee oo ah dhakhtar xagga dhimirka ku takhasusay oo ka hawlgala jaamacadda Yale ayaa koox xildhibaano dimoqoraadi ah u sheegay in Trump uu waali maryaha dhigan doono.
Maxaa ku jaban haddii uu waalanyahay?
Waa arrin uu shaqadiisa ku waayi karo haddii la xaqiijiyo in uu waalanyahay, sababtuna waxa ay tahay in qodobka 25 aad ee dastuurka Maraykanku uu dhigayo in haddii uu madaxweynuhu waasho madaxweyne ku xigeenku uu la wareegayo xilka.
Waxaana mooshin ka geyn kara madaxweyne ku xigeenka iyo aqlabiyadda golaha wasiiradda, taas oo hadda aanay muuqanin suurtogalnimadeedu, balse codadka ka dhanka ah Trump ayaa aad usoo kordhaya.
Dhinaca kale Trump,ayaa sheegay in eedaha loo jeedinayaa ay yihiin waxba kama jiraan isla markaana buugan ugu dambeeyay ee xiisada abuuray ku tilmaamay buug been badani ka buuxdo waxaanu isku ammaanay in uu yahay nin caqli badan oo waliba cabqari ah.
Trump,waxyaabaha lagu dhaliilayao ayay ka mid yihiin in uu yahay nin fudud oo aan lahayn masuuliyaddii looga baahnaa in uu yeesho Madaxweynaha Maraykanku iyo in uu yahay nin hadal badan oo daqiiqad daqiiqad farriimo kala duwan ugu baahiya barta uu ku leeyahay twitter-ka oo aanu saacad ka wada maqnaan.
Xigasho w/wararka
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland