Wasiirka Dhallinyada iyo Ciyaaraha oo U Furay Dalladda SONYO Shir Aan Loo Dhammayn

0
429

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed,ayaa saaka u furay Dallada Dhallinyarada Somaliland Shir aan loo dhammayn oo aanay ka qayb gelin xubnaha sare ee baadhka dallada ka dib markii ay ku eedeeyeen guddoomiyaha SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax in uu shaqsi jeclaysi iyo kala xuluufaysi uu ka dhex wado dallada gudaheeda.

Khilaafka ka dhex qarxay   oo muddo soo jiitayey ayaa maanta ka dhex qarxay golaha sare ee dalladda SONYO ka dib markii uu shirweynihii afarta bilood ee golaha sare yeesha u furmi waayey kooram la’aan.

Golaha sare ee dalladda ee looyaqaan xildhibaanadda dalladda ayaa gabi ahaanba soo xaadiri waayey shirkan SONYO oo saaka ka furmayey hoolka dalladda dhallinyaradda ee SONYO, waxaanay gudoomiyaha ku eedeeyeen hogaamin xumo iyo inuu qof jeclaysi kula kacay golaha sare iyo shaqaale weynihii dalladda.

Sida illo xog ogaal ahi noo xaqiijiyeen in Xildhibaanadda dalladda SONYO oo ka kooban 19 xubnood aanay ka soo xaadirin shirkaasi afar biloodlaha ahaa, marka laga reebo sideed qof oo shirkaasi yimid,taasinay waxay sababtay in  kooramkii kalfadhiga buuxsami waayo, iyadoo xubnihii kale ee gudoomiyaha ka soo horjeeday shirar doceedyo ku qabsanayeen hoteello ku yaalla magaladda Hargeysa.

Inkastoo wasiirka Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland oo gudoomiyuhu shirkan ku casuumay uu kala soo qaybgalay oo uu u furey sideed qof oo kaliya, haseyeeshee xubnahan dibada joogay waxay furitaankaasi ku tilmaameen mid sharci hoosaadka ka hor imanaya, maadaama oo kalfadhi aan kooramku buuxin la furey, taas oo kor usii qaaday khilaafkii horeba loogu eedeynaeyy gudoomiyaha inuu sharciyo badan jabiyey.

Xubnahan ka soo horjeeday gudoomiyuhu qaabka uu shaqadda u waddo oo aan jeclaysan in magacoodda la xuso ayaa sheegay inay gabi ahaanka ka soo horjeedaan gudoomiyaha oo dalada ka dhigay makhaayad uu iska leeyahay,isla markaana hawlo badan oo aan guddida fulintu ogayn ama aan ka ansixin uu iska go’aamiyey, sidoo kale xubnihii u kala qaybiyey qayb uu hawlaha u kala diro iyo qaybo aanu dan iyo muraad ka galin.

Gudoomiyaha  dalladda SONYO Cabdicasiis Siciid Salaax  ayaa ahaa gudoomiyihii ugu nasiibka badnaa ee dalladda hogaamiya, waxaanu la wareega wakhti aanay kooxo iyo garabyo is hayaa ka dhex jirin,isla markaana si wada jir ah loo doortay, haseyeeshee tan iyo intii uu la wareegay waxa uu bilaabay kooxaysi iyo in xildhibaanadda golaha SONYO ka dhigo kooxo,isla markaana uu farogaliyo shaqaalihii, halka uu go’aamo aanu soo dhex dhigin ama loo ansixin uu kaligii iska go’aamiyo, waxa kale oo uu mudadii uu xilkaasi hayey uu sameeyey in kooxo siminaaro dibadda ah si eex ah ama qof jeclaysi ah u kala diro, halka qaar kalena shirar aan cidi la ogeyn uu kaligii la gallay, taas oo ka hor imanaysa sharcigii golaha iyo dalladaba u yaalla.

Waxa kale oo xusid mudan in shaqaalihii dalladda oo gaadhaysa illa sodan qof ay dhamaantood ka wada yaaceen maamul xumadda uu la yimid, waxaana illa hadda shaqeeya toban qof, iyadoo gabi ahaanba joogsadeen mashaariic ay awal waddi jirtay.

Arrimahaasi o odhan waxay ku eedeeyeen gudoomiyaha oo kala qaybin iyo awoodo aanu lahayn ku hogaamiyey daladda muddii uu xilka hayey.

Dalladda SONYO ayaa qarka u saaran inay burburto,isla markaana lagu kala yaaco, mar haddii cid gaar ahi taladdii maroorsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here