Musharixii Madaxweyne ku-xigeenka UCID oo Dawladda Soomaaliya Digniin u Diray Xukuumadda Somaliland Farriin u Diray

0
383

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Musharixii jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Prof:  Axmed Cabdi Muuse(Abyan) ayaa ka hadlay socdaal uu ku yimi magaalada Badahn ee gobolka Badhan wasiirka qorshaynta Soomaaliya isla markaana ku eedeeyay dawladda Somaaliya iyo maamul goboleedka Puntland in ay faro galin iyo gardaro ku hayaan Somaliland oo ay ku soo xadgdbeen dhulka Somaliland.

Waxaa kaloo uu ku eedeeyay Maamul goboleedka Puntland in uu caqabad ku yahay dawladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho isla markaana faro galin daan daansi ahna uu ku hayo Somaliland.

Prof: Abyan waxaa kaloo uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in gobolada bariga Somaliland ay maamulka dawliga ah in ay ku fidiso isla markaana mashaariic horumarineed oo waxtar u leh dadka deegaanadaas gobolada bari ka hirgaliso.

Haddaba warkaas oo muuqaal ah halkan ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here