Maareeye: Siyaasi Badheedhihiisu Xil Wasiirnimo u Gooyay

0
404

Muqdisho(Xogsoor Media.Net):- Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) oo  ka mid ah siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee aaminsan mabda’a Federaalka isla markaana xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan xilal wasiirnimona kasoo noqday dawladhii kala dambeeyay ee Soomaaliya,ayaa dhawaan mar uu baarlamaanka Soomaaliya hadal ka jeediyay ku dhaliilay qaabka dawladda federaalka ee Soomaaliya siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee ku sugan Muqdisho ee xildhibaanada ah ama xilalka kale ee kala  duwan ka haya dawladda Federaalka ah.

Maareeye oo fadhiga golaha shacabka Soomaaliya qudbadda uu ka jeediyay si gaar ah ula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aanay u cuntamayn sida loola dhaqmo isla markaana aanay qaadan karayn wax quudhsi u eg  oo ay ku qabaan dawladda Federaalka Soomaaliya ee ay ka tirsan yihiin goleyaasheeda kala duwan.

Waxaanu intaa ku daray in looga baahan yahay Madaxweynaha Soomaaliya in uu wax ka bedelo sida loola dhaqmo siyaasiyiinta reer Somaliland ee dawladda ka tirsan.

Hadalkiisa oo noqday mid aad looga hadal hayay maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho,ayaa sabab u noqday in Maareeye loo magacaabo wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

Haddaba halkan hoose ka daawo qudbadda uu Wasiir Maareeye ka jeediyay fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here